Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Puntland Mise Ilmo Maxamuud Laan?

Qoddob ka mid ah distuurka maamulka Puntland ayaa lahaa, awoodda oo dhan Eebbe ka sokow waxaa iska leh dadweynaha, balse waxaa muuqata in si aan waafaqsanayn shuruucda lagu heshiiyay ay hal reer oo gooni ahi ugu takrifalayaan awooddii ciidan, dhaqaale iyo maamul...iyadoo aan wax tallo ah laga gelin beelahii kale ee maamulka la dhistay.
dulmi gaamuray, 22 sanno!!
Wuxuu xaalku maanta marayaa in ciidankii Puntland, wixii aan ahayn Maxamuud Saleebaan loo aqoonsado mooryaan, argagaxiso, maleeshiyaad beeleed i.w.m markii isku dhac yimaado.

Puntland, jaadka, khamriga, xashiishka iyo maandooriyeyaasha kaleba waxaa soo geliya dad ka soo jeeda beesha Maxamuud Saleebaan, balse dhibaato waxay dhacaysa marku qof aan iyaga ahayni ganacsiga ku soo biiro, taasi waxay sababaysa colaad iyo dagaal.

Akhriso Dastuurka Puntland

Siyaasiyiinta aan ka soo jeedin beesha Maxamuud Saleebaan aragti iyo fikir ma yeellan karaan, oo waxaa lagu qaadaya weerar, waxaana loo samayn dacaayado iyo dembiyo.

Warbaahin Puntland kama furan karo qof aan Maxamuud Saleebaan ahayn, dhammaan idaacadaha, websiteyada, iyo jaraa'iidka deegaannada ka soo baxa iyaga ayay u furan yihiin, qofkii u dhashay beel kale ee damac ka galana waxaa loo samayn dacaayad, ama waaba laga xiraya iyadoo lagu eedeyn argagaxiso iyo khalkhalgelin amni.

Qaba'iilkii hantida iyo bacmushtarka lagu yaqaanay Puntland intooda badan xilligan waxba ma haystaan, waxaana ugu wacan canshuur gaar looga qaado iyo weeeraro lagu qaaday iyadoo muuq argagaxiso la isku yeellaayo sii loo barakiciyo.



Dhaqaalaha Puntland intiisa badan waxaa jeebka ku shubta rag ilmo adeera ama in is taqaan, iyadoo dadkii hantida laga qaaday ama lagu qaatayna ka baahan yihiin.

Aasaaskii Puntland 1998, waxaa ku qornaa dastuurka xilliga qodobkiisa 1.2 in Puntland ka koobantahay gobollada Bari, Nugaal, Koonfurta Togdheer (Buuhoodle/Cayn), Mudug oo laga reebbay (Hobyo iyo Xarardheere) Iyo Waqooyi Bari Sanaag. haddana waxay ku soo ururtay Puntland Waqooyiga Gaalkacayo, Bariga gobolka Nugaal iyo Waqooyi Bari (Gobolka Bari), sababtuna waa in hal qoys isku is lahaysiiyay maamulkii iyo magacii Puntland....

Eebbe weyne waa lacnaday kuwa dulmiga fala, ألا لعنة الله على الظالمين
Sidoo kale Eebbe wuxuu Aadamaha uga digay dulmiga dhexdooda wuxuuuna yidhi:
وَجَزَاء سَيِّئَةٍ سَيِّئَةٌ مِّثْلُهَا فَمَنْ عَفَا وَأَصْلَحَ فَأَجْرُهُ عَلَى اللَّهِ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الظَّالِمِينَ سورة الشورى:40
Xumaan abaalkeedu waa abaal marin mid la mid ah, ruuxiise iska cafiya oo wanaajiya ajrigiisa rabibaa siinaya, Eebbena ma jecla daalimiinta. 


Eebbe wuxuu kale oo sheegay inuu halaagay magaalooyin iyo ummaddo ku noola markay dulmi faleen وتلك القرى أهلكناهم لما ظلموا وجعلنا لمهلكهم موعدا "Taasina waa magaalooyinkii aan halaagnay marka dulmi la yimaadeen waxaanan u yeelnay halaagoodii ballan".


Dulmiga, nin jeclaysiga, duullaannada hadba reer lagu weeraraayo hantida ummadda ka dhaxaysa iyo dharka ciidanku waxay dhali doonta miro kharaar, iyo dib u laabasho, dulmiguna ma leh lug waarta.


Ugu Dambeyn horjoogaha Puntland iyo beesha ku takrifalaysa awoodda waxaa la gudboon inay dulmiga ka weecdaan madama ciribtiisa dambe aysan ahayn mid u wanaagsan jiilka dambe... ayna ka fekeraan mustaqbalka dadka Puntland oo isku duubban.

Waxaa qoray Yuusuf Cali Aadam
Yusuf@journalist.com

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement