Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Puntland Iyo xaaladda xilligan taagan...

Waxaa la yidhi saddex qof oo indha la, ayaa loo keenay Maroodi, midbaa dabada ka taabtay midna iligga ayuu ka taabtay midna dhabarka ayuu ka taabtay

Markii mid walba la waydiiyay Maroodi ka warran ayaa mid yiri waa laf dheer oo adag , midna wuxuu yiri waa wax buuran oo duf leh, midkii kalaa wuxuu yiri waa wax dhuuban oo faraq leh , mid waliba meeshii uu taabtay ayuu u fahmay maroodi

Kolka Horumarka iyo cadaalada reer Puntland Saddexda qoys ee isku koobay midba si ayuu u fahmay... dhibaatada ugu weyn ee jirtana waa dadkii loo baahna inay noqdaan fahmayaal ogaal dheer oo iyaguna la raacay dhaqankii kooxda kooban

Xaaladu waa ''Gablan talo adduuney maxay galabba heer joogtay'' Waqtigan mid ka dhow oo xaalada lagu sixi kartay waa jirtay balse xilligan sixid dhan ma jirto sidaan u arko ee keliya waxaa sixid noqon karta dib ugu laabasho aasaska hore

Marka eegto qoyskan xukunka isku koobay, iyo dhibaatada ku soo socota Puntland ee aa laga fiirsan, waxaad soo xasuusan hadalkii Gabyaa hore yiri ee aha:-
Uulkii Ibliis saar u tumo oo la sababaayo
Salka meel ma dhigo balo nimay soo kac leedahaye

Dadka Puntland waxay doonin hoggaamiye aan been u sheegin, ma lahi qabiil hebel ha noqdo ama qoys hebel ha noqdo balse keliya waxaan leeyahay ''Puntland ma dooneyso nin hantida umadda jebkiisa ku guran ama ehelkiisa hoose iyo qoyskisa wax u qabo u yimid dalka, waxay dooneysa hoggaamiye xalaal ah oo dalka iyo dadku u siman yahiin horseedna u noqda horumarka ee aan u noqon horseed dib u dhac iyo dib u socod...."

- Yusuf Ali Adan
Yusufcali@hotmail.co.uk 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement