Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Bedelka Khayre ma wuxuu noqon doonna adeege cusub, mise quusiyaha damaca waalan ee Farmaajo?

Soomaalidu waxay tiraahda "labadii xaaraan ku heshiisay; xaqna kuma heshiiyaan", ugu dambeyn Xasan Cali Khayre wuxuu ku baxay fudeedkii Farmaajo lagu yiqiin. Saacado yar kadib markii xilka laga qaaday ra'iisal wasaarahii hore Xasan Cali Khayre,
wuxuu Farmaajo magacaabay ra'iisal wasaare ku meel gaar ah iyo wuxuuna soo dhoweeyey go'aanka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo u isagu daaha-gadaashiisa ka hagaayay.

Horraantii bishan ayay ahayd markii ra'iisal wasaare Xasan Cali Khayre sheegay in doorashada dalka lagu qaban doonno wakhtigeeda, aysanna jiri doonin muddo kororsi, hadalka oo u muuqda mid u madaxwaynahu si weyn uga kululaaday, madama uusan Farmaajo waqtigaan diyaar u ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho xor oo xalaal ah.

Madaxwayne Farmaajo ayaa u muuqda inuu raaci doonno jidkii saaxxiibadii Siyaad Barre iyo Cabdullaahi Yuusuf Yey ee madax adayga iyo xukun jacaylka ku dhisnaa.

Inkastoo Xasan Cali Khayre yahay ra'iisal wasaarahii ugu waqtiga dheera xukuumaddahii 30-kii sanno ee burburka, haddana intuu xilka hayay waxaa lagu tilmaamayay gacan-yaraha madaxweynaha.

Khayre wuxuu ku tilmaamay ururka ONLF inay yihiin argagaxiso, sidoo kale waxay xukuumaddiisu sheegatay dhiibistii Qalbi Dhagax, weerarkii guriga siyaasiga HabarGidir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu kale door muhiim ah ku lahaa burburintii ururkii AhluSunna iyo dagaalka maamullada qabiilada; inkastoo Farmaajo ku gambanaayay.


Waxaan sugnaaba waa beddelka Khayre, ma wuxuu noqon doonna mid hawshii addeeega halkii ka sii wodda mise waxaa u noqon doonna mid quusiya damaca Farmaajo, sidii Cabdullaahi Yey uu u quusiyay Nuur Xassan Xuseen "Nuur Cadde".


Yusuf@journalist.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement