Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Xalane Maxaa Ka Socda?.


Marka aad maqasho xerada Xalane waxaa kugu soo dhacaya halyeeygii Soomaaliyeed Maxamed Cabdulle Xalane oo isaga loo magac darray xeradan isu beddeshay dowladda ku dhex-taalla caasimadda ummadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Xalane wuxuu u dhintay difaaca calanka iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed, balse xerada loo magac darray waxay noqotay mid dishay magaca iyo sharafta ummadda Sooomaaliyeed.

 

Waxaa xerada ku sugan ciidamo shisheeye, aysana wax amar  iyo tallo ah  ku lahayn dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa xerada Xalane ka furan xafiisyo, saldhigyo boolis, cusbitaalo, hudheelo iyo ganacsiyo aan ruqsad ka haysan dowladda Soomaaliya.

Looma oggola xerada ciidanka Soomaaliya, madaxda Soomaaliduna ma geli karto amar la’aan.

Dadka Muqdisho waxay u yaqanniin xerada Xalane qabri, qof galayna ma aaminsana inuu soo noqonaayo. ‘

Intaas waxaa dheer in xerada ay ku sugan yihiin masuuliyiinta ciidanka Amisom, ciidamo ka kala socda dalal kala duwan oo kuwa reer galbeedka ah  iyo madaxda beesha caalamka ee kharbudka iyo qashqashaada ka woda dalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya wuxuu xoriyaddiisa qaatay 1960, balse waxaad moodda inaysan xorriyadii ka jirin xerada Xalane.

Sidee u dhihi karnaa xoriyad ayaa ka jirta Xalane iyadoo aan loo oggolayn askarta dowladda Soomaaliya, madaxda Soomaalida amar la’aan aysan geli karin, shaqaale Soomaaliyeedna uusan ka shaqeyn marka laga reebbo calooshood u shaqaystayaal dalalka galbeedka laga keensaday.

Xoriyaddu waa inuu qofku ka xoroobo wax kasta oo garbaduub ku ah awoodda aadanaha iyo wax-soosaarkiisa jireed iyo maskaxeed labadaba, waxaa soo galaya inuu qofku iska rogo heeryada gumaysiga , meeshana uu ka saaro cadaadiska dusha ka saaran iyo Sandulleynta uu ku jiro, si uu u dareemo neecowda xoriyadda.

 

Waxaad moodda in dadka Soomaaliyeed ku jiraan gumaysi, balse aysan ogeyn taasi ama ay u muuqan.

 

Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa waxaa ka socda xerada Xalane oo ay madaxda Soomaalidu ogyihiin waxaa ka socda balse cabsi kursi iyo sandulleyn shisheeye ay uga amuusan yihiin dhibaatooyinka halkaa ka jira.

Maxaa lagu qabtaa Xalane?

Yaa canshuurta ka qaada xurumaha ka furan?

Ciidanka Soomaaliyeed maxaa loogu diidday ilaalinta iyo ka war qabka waxaa halkaa ka socda?

Shaqaale Soomaaliyeed maxaa diidday inay ka shaqeeyaan xerada?

 



yusuf@journalist.com 

 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement