Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Doorasho Waxaa Ka Horreeya Diyaargarow.


Distuurka Soomaaliya qodobkiisa 47aad wuxuu qeexaya in shuruucda doorashada u golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya go’aan ka soo saarayo, balse labada jilaa ee Villa Soomaaliya
waa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre mid kastaa wuxuu sheegaya inay doorashadu waqtigeeda dhacayso… haddaba waxaa isweyddiin mudan waa goorma waqtiga doorashada ee labada jilaa sheegayaan?.

Taageer Yusuf Ali Adam

Labada masuul waa ogyihiin inaysan doorasho waqtigeeda ku qabsoomi doonnin, balse waxay u muuqdan kuwa marin habaabinaya bulshada ay hoggaanka u yihiin.
Shalay ra’iisul wasaare Khayre wuxuu sheegay in doorashadu waqtigeeda dhici doonto, maantana Farmaajo wuxuu sheegay inuu taageersan yahay in doorashadu waqtigeeda dhacdo..

Siday hore u sheegtay Xaliimo Yareey doorasho qof iyo cod ah waqtigan looma diyaarsana waxaana ay guddiga doorashooyinku doonayaan in waqti lagu darro, sidaas oo ay tahay doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda ma jirto hubanti inay noqon doonto mid si xor oo xalaala ku qabsoonta.

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya  waqtigoodii waxaa ka dhiman afar billood, lama huraana wuxuu noqon doonna sida ay u muuqato waqti kororsi.. madama maamulka xilligan jira uusan diyaarin muddadii ay xilka hayeen nidaamkii doorasho qof iyo cod ah sida u sharciga doorashooyinku qabo.

Sheekada Farmaajo iyo seedigii Khayr waxay u muuqata waan socon weynay aan orodno.



Yusuf@journalist.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement