Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Cabdi Xaashi Iyo Xadgudubka Dastuurka

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa maanta waraaq u soo saaray waxba kama jiraan ku tilmaamay sharci dhowaan u ansixiyay gollaha baarlamaanka ee Soomaaliya.... haddaba waxaa isweyddiin mudan qoddobada u guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi u cuskaday diidmada matelaada gobolka Banaadir..... ma yihiin kuwa sharci uu u maray mise jeebkiisu kala soo baxay?.


(Qodobka 9aad ee dastuurka Soomaaliya: Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Magaala Maxdaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Muqadisho. Maqaamka magaalo madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qodobka Qodobka 12aad: Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka
Farqadiisa 6aad: Doorashada labada gole ee BFS waxay u dhacaysaa si wadajir ah, codbixiyuhunna wuxuu hal
mar wada dooranayaa murashaxiinta labada gole)
Waxaa isweyddiin mudan, Cabdi Xaashi ma gaari karaa keligiis go'aan u ku diiddo sharci baarlamaan ansixiyay? halkee ka keenay awoodda?
Wuxuu yidhi: waxaan ahay ilaaliyaha dastuurka!!!! siduu ku noqon karaa ilaaliye dastuur qof ku yimid sifo xaaraan ah marka la fiiriyo dastuurka Soomaaliya qoddobkiisa 72aad farqadaha a)b) iyo c). ????.
Wixii lagu heshiiyay ixtiraam ayay u baahan yihiin.


Yusuf@journalist.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement