Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Puntland Goormay Beesha Ka Bixi?

OG: Dadweynaha Puntland.

22 sanno oo Puntland jirtay.

1. Xukunka Puntland hal beel ayaa isa siisay. Waxaana Puntland laga dhigay meel qabiil goonni ah leeyahay.

2. Dhagxuunta badda, macdano qaali ah iyo weliba ugaartii deegaannada Puntland waxay horjoogeyaashu u iibgeyaan dalka Imaaratka Carabta.

3. Waxaa xeebaha deegaannada Puntland la keenay maraakiib iyo doonyo si sharci darro ah uga jilaabta kalluunka, iyadoo lagu bedeshay sunuud yar, 

4. Ma jiro hal iskuuul oo maamulka Puntland leeyahay oo waxbarasho lacag la'aana ardaydu ka helaan, iska dhaaf in lacag la'aan iskuul looga dhigo ee mar kastoo ay imtixaan gelayaan lacag ayaa laga qaada qaarkood aysan awooddin. 

5. Jidadku waa kuwa burbursan mana helin dayactir ama dhisme ka dambeeyey dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa ka dhacay shilal gawaadhi oo tiro aan lahayn, dad badan ooo qiimo lahaana waa ku naf waayeen. Gawaadhida jidadka isticmaalaysa waxaa guud ahaan laga qaada canshuur haddii dib loogu celiyo jidadka ay isticmaalana ka badan dhismahooda iyo dhismaha jidad cusuba. 

6. Ma jiro hal ceel oo maamulka Puntland ku dhisay canshuurta dadweynaha u ka qaaday. 

7. Ma jiro hal Cusbitaal oo maamulka Puntland dhisay, iyadoo aan ognahay inay hooyooyin badan ku umul raacdan dhalmada deegaannada qaarkoodna maba leh cusbitaal. 

8. Canshuurta dadka Puntland laga qaado keliya maaha mida la musuqmaasuqa ee sidoo kale lacagaha hay'addaha caalamiga ah, dowladda federaalka, hay'addo khayri ah, jaallliyaddaha Puntland ee dibadda iyo weliba ganacsatada deegaannada Puntalnd ayaa ah kuwa la lunsado ama gala afka Neberiga Jeerta Ooman Deni iyo kuwa la midka ah.

9. Amniga Puntland maaha mid la isku halayn karo oo jidka isku xira Boosaaso iyo Qardho waxaa keliya ee la isticmaala maalintii, halka habeenkii ay ka taliyaan kooxaha Alshabaab iyo Daacish. 

10. Maamulka Puntland ka jiraa waa mid ku hawlan kala goynta ummadda Soomaaliyeed, isku dirka iyo u addeegista shisheeyaha...

11. Dhallinyaradii deegaannada Puntland intooda badan waa kuwa tahriibay dalkana uga cararay maamulka mustaqbalka aan lahayn ee asaagood ka reebbay. Inta badan dhallinyarada deegaannada Puntland sababaha ay u tahriibeen waxaa ka mid ah xarig iyo xabsi laaluush lagu raadin, shaqo la'aan iyo weliba musuqmaasuq baahsan. 

12. Horjoogeyaasha Puntland intooda badan ubadkoodu dibaddaha ayay ku nool yihiin, waxbarasho iyo nolol wanaagsana ku haystaan.... halka ubadka ay madaxda u yihiina ay mustaqbal la'aan yihiin.

13. Dekeddahii iyo hantidii dadka ka dhaxaysay waxaa lagu bedeshay sunuud yar. 

14. Ciidanka Puntland hadba waa qabiilkii xukunka haya iyo xulifada la socota oo ma jiro ciidan rasmi ah oo Puntland leedahay.


KU: Dadweynaha Puntland 

Walaalyaal dulmiga, caddaalad darrada iyo musuqmaasuqa baahsan ee deegaankiina ka jidha maaha mid aad dhaxal u hesheen, waad awooddan inaad iska hor wareejisan maamulka nolol diidka ah ee dhallintiina mustaqbalka tiray, waayeelkiina caafimaad tiray, waxgaradkiina indho tiray, dhulkiina iyo khayraadkiisa beecinaaya. awooddu gacantiina ayay ku jidhaa... Iska hor wareejiya dabadhilifka dadkiina kala geyntiisa ku mashquulsan.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement