Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Nimmaan ku qabin isku qaawi!!

Haasawahii goormu noqday huga oo la iska tuuro?

Muddooyinkan dambe hasaawahii ragga iyo dumarku wuxuu isu beddelay in kaamirada moobilka la iska daawado iyadoo la qaawan yahay.... Cajiib!!!
Gabadh yahay, ilaali sharaftaada, nimmaan ku qabina ha isku qaawin. Mid ku qabana kaamiro
ha isaga qaawin sababtoo ah aamin ma leh internetku burcad ayaa xiita idiinku soo dhex dhuuman karta oo macquul in rikaato la idiin geliyo labadiinaba... Waxaan aragnay rag xaasas leh oo muuqaalo ka duubay gabdho Soomaaliyeed, kadibna xaasaskoodii muuqaalladu u gacan galeen oo ay faafiyeen... sidoo kale kuwa muuqaalo ka duubay gabdho kadibna moobilladii inta laga xaday la faafiyay waxay duubeen oo dhan.
Sidoo kale waxaan aragnay rag iska duubay laftigoodu muuqaallo dhaqan xumo ah kadibna moobiladooda laga xaday oo la faafiyay wixii ugu jiray oo dhan.
Fadlan ka taxaddar dadka aad ka baranaysid internetka, qof kastana ha aaminin. dhowr sharaftaada, tan waalidka, walaalaha, ogowna inaad joogtid waqti ceebaha dadka aad loo raadiyo, bulshada aad ka dhalatayna yihiin bulsho ceeb iyo cay badan.



Yusuf@journalist.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement