Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Boosaaso Iyo Qeybsiga AaranJaan

Waxaan arkay sawir Boosaaso oo loo qeybiyay afar xaafadood, oo afar qabiil oo Majeerteen ahi ku xusan yihiin.
1. Cali Jibraahiil
2. Cali Saleebaan
3. Dashiishle
4. Cusmaan Maxamuud!!!!

Inkastoo Boosaaso la sheego in loogu yimid Qaasim oo Axmed Harti (Gobtaanle) ka soo jeeday iyo Carab ganacsi ka ganacsan jirtay inkastoo ay hadda Soomaaliyoobeen.... Aan u dhaadhaco hoos.

Boosaaso labo jid oo midna laami yahay midna jid cadde carro-tuul ah ayaa ka baxa, kan laamiga oo dhanka koonfureed xigga waxaa deggan qaba'iilka Warsangeli (Dubeys) iyo Dashiishle , midka galbeed ee qorax u dhacana Wabeeneeye iyo Warsengeli, dhanka bariga ee qorax ka soo baxa waxaa ka xiga buuro, balse waxay deegaan u yihiin Dashiishle iyo Jambeel, dhanka waqooyi waxaa ka xiga badda cas.

Gudaha magaalada haddii aan u soo laabbano qabiil ka maqan Soomaali annigu garanmaayo, dabcan ha loo kala badnaado ama ha loo kala guryo bato haddiiba kursi lagu helaayo.

Waqtigan kooxda Maafiyadda AaranJaan oo ah mulkiilayaasha horjooge Deni 'Jeerta Ooman' waxay billaabeen inay magaalo ay ku nool yihiin dad ka badan nus malyuun ay afar jifo oo Majeerteen ah u qeybiyaan!!!. 

Dadka reer Boosaaso ka badan afar jifo oo Majeerteen ah, magaaladu waxay u baahan tahay inay dadkeedu codkooda dhibtaan, haddii aan taasi la awooddina dadka deegaanka magaalada leh dib loogu celiyo awoodda, halkii laga dulsaari lahaa dad dhulkoodii ka soo hay'yaamay.

Dishiishe marka laga reebbo, saddexda reer ee kale kuwa ugu deegaan dhow Boosaaso waxay deggan yihiin meel u jirta magaalada in ka badan 90km, ooy ku qabso ku qadi mayside ku degeen.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement