Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Somaliland ayaa 26kii June 1960kii xornimo qaadatay waa been fakatay.

26kii June 1960kii waxaa Hargeysa laga taagay calanka Soomaaliya.

Ingriis wuxuu hore ugu wareejiyay dhul badan oo ay Soomaali leedahay Xabashida. Dhulkaa waxaa u dambeeyay Howd oo uu wareejiyay 1954. Reer Waqooyi waxaa gashay cabsi weyn oo ah armuu adinkana idin raaciyaa Itoobiya. 

Odayaashii Waqooyi wexey u gudbiyeen maamulkii Ingriiska codsi ah in loo oggolaado iney ku biiraan walaalahood Soomaaliya ee xornimada qaadanaya 1da July 1960ka taa oo hore loo sii iclaamiyay, wexeyna dalbeen in aan laga reebin walaalahood.

Ingriis wuu aqbalay soo jeedintii odayaasha, wuxuuna ka baxay dhulkii uu ula baxay British Somaliland sidoo kalana wuxuu qaatay magaciisii oo ahaa British Somaliland 26kii June 196Okii. 

Ingriiska heshiiska uu kaga baxay waqooyi wexey aheyd inuu aqbalay iney waqooyi ka mid tahay Soomaliya. 

26ka June ma aha maalin ay xornimo qaateen gobollada waqooyi ee waa maalintuu Ingriis ka baxay gobollada waqooyi si ay ula jaan qaadaan walaalahood Soomaaliya, sidoo kalana 26ka June 1960kii waa maalintii Hargeysa laga taagay calanka Soomaaliya.

Reer Soomaliland hadda ayey goosasho rabaan ee ma aha dad xornimo qaatay kadibna ku biiray Soomaaliya oo doonaya iney dib u laabtaan. 

Taariikhda wey qoran tahay, lama beddeli karo balse waa laga been sheegi karaa ayadoo loo cuskanaayo falsafadaha kala ah inkiraadda, indhacaddeyska iyo diiddada qayaxan.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement