Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Coldoon Ma Ka Mudnaa Cagjar Xabsi?

Inkastoo deegaanka Soomaali Galbeed isbedel maamul ku yimid haddana waxaa muuqata in weli dhaqankii Itoobiya
  • ee ahaa gumaysiga isbeddelin, waxaan hadda maqlay in lagu xiray maalinninadii shalay deegaanka Gaashaamo ee dhulka maqan; Cabdulmaalig Shiiykh Muuse (Coldoon) oo ahaa wariye ka hawlgala magaalada Burco.


Xarriga wariyaha ayaa lagu sheegay inay fuliyeen ciidanka Liyuu booliiska ee gumaysiga Itoobiya u addeega.

Maamulka deegaanka Soomaali Galbeed ama dowladda Itoobiya midkoodna ka hadlin xarriga Coldoon, haddana wararka laga helaayo dadka deegaanku waxay sheegayaan in wariyaha la xiray kadib markuu soo gaaray deegaanka Gaashaamo oo u doonayay inuu ka ururiyo xog ku saabsan xasuuqii tuulada Jaamac Dubad ay ka gaysteen ciidanka Itoobiya 2016-kii.


Coldoon wuxuu ka mid ahaa dadka sida wayn ugu ololeeya qaddiyada Ogadeeniya, waxaana u dhowaan casumaad ka helay sida la sheegay madaxwaynaha cusub ee deegaanka gacanta gumaystaha ku hoos jira ee Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar, inkastoo xarriga Cabdulmaalig Shiiykh Muuse uusan ahayn mid cusub, horena loogu xiray Somaliland, haddana waxaa dhaqanka Soomaalida ku cusub in qof aad casuumtay haddana aad xabsi ku taxxaabtid.

Wuxuu in badan sheegi jiray Mustafe Cagjar inuu u dagaallamayo xorriyada hadalka, kala aragti duwnaanshaha iyo waliba Sinnaanta ummadda Soomaaliyeed, taasna u ku waayay walaalkii Faysal Cagjar oo ay dileen ciidanka Cabdimaalig Coldoon shalay xiray ee Liyuu booliisku waqtigii maamulkii Cabdi Iley.

Waxaa muuqata in awooddaha Mustafa Cagjar yihiin kuwa xaddidan, madama qof magan u ahaaba loo gacan dhaafay.

Sidoo kale wararka aan helay waxay sheegayaan in Coldoon u dalbaday in loo soo xiro Muuse biixi cabdi Dameer oo ah madaxwaynaha Somaliland, hore ayuu maamulka Somaliland ee Muuse biixi xabsiga u dhigay Coldoon inkastoo markii dambe ay fasaxeen.

Ugu dambayn waxaan ka rajaynayaa haddiiba u tallo leeyahay Mustafa Cagjar inuu xabsiga ka sii daayo wariye Coldoon, isaga iyo maamulkiisuna raalligelin ka bixiyaan falka foosha xun ee xeerka iyo dhaqanka gobta ka dheer.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement