Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Libaax Iyo Saddex Dibi.

Waxaa meel ku wada noolaan jirey saddex dibi. Dibiga koowaadi wuu madoobaa, ka labaadina wuu caddaa, midka saddexaadna wuu casaa. Saddexdan dibi nolol fiican ayey ku haysteen meesha ay deganaayeen oo barwaaqo ahayd. Siday u joogeen ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ah la soo dersay libaax. 
     
Waxa uu Libaaxii bilaabay inuu wax ugaarsado, laakiin waxba wuu heli waayey. Muddo ka dib se waxa uu arkay saddexdii dibi. Wuxuu ku tashadey inuu dibidan cuno. Laakiin nasiib darro, libaaxii markii uu ku soo dhawaaday dibidii ayey dibidu arkeen libaaxa. Markii ay soo jeesteenna waxa ay hal mar weerar ku soo qaadeen libaaxii, oo eryadeen. 
     

Libaaxii firxadka ahaa waxa uu ka yaabay sida ay dibidu isugu duubanyihiin. Waxa uuna ku fikiray inuu isku diro dibida, oo uu mid mid u ugaarsado iyagoo kala jabsan. Wuxuu u dhawaaqay dibidii; waxa uuna ku yiri, “Walaalayaalow, aan nabad kuwada noolaanno.” 
     
Saddexdii dibi aad ayey u farxeen. Waxay ku farxeen inuu maanta libaaxu nabad raadis yahay. Waxayna ogaayeen inay nabaddu iyaga u fiican tahay, oo ay ku badbaadi karaan. Waxayna dibidii ku jawaabeen, “Waayahay libaaxow.” 
     
Markii ay libaaxii iyo dibidii is dhex galeen ayaa waxa uu libaaxii bilaabay inuu dibida isku diro. Goor fiid ah ayuu libaaxii la sheekaystay dibigii madoobaa iyo kii casaa. Waxa uuna ku yiri: “Ma ogtihiin in dibiga caddi uu khatar inoo keeni karo: Habeenkii marka ay gudcurka tahay ayaa midabkiisa caddaanka ah la soo raaci karaa. Waxaana la ogaan karaa inaynu meeshan barwaaqada ah deggan nahay. Waana layna soo weerari karaa, oo meesha laynaga bixin karaa. Marka, saw ma habboona inaan dibiga cad iska qabanno, oon araggiisa qarinno?” 
     
Labadii dibi waxay isku mar yiraahdeen, “Alla haa. Waa runtaa libaaxow.” Waxa ayna isla habeenkiiba dileen dibigii caddaa. Raqdii dibiga cadna waxaa goor ay saq-dhexe ahayd u tegay libaaxii, oo cunay. Labadii dibi ee hadhayna kama aysan war-haynin in uu libaaxu cunay dibiga dhintay. 
     
Isla habeenkii xigay, waxa uu libaaxii la sheekaystay dibigii madoobaa. Waxa uuna ku yiri, “Ma ogtahay in dibiga casi uu khatar inoo keeni karo: Marka ay qorraxdu kululaato waxa uu dibiga casi uraa dhiig-dhiig. Waana laynagu soo raaci karaa haddaynaan caawa iska qaban.” 
     
Dibigii madoobaa waxa uu ku yiri libaaxii, “Waa runtaa libaaxow. Laakiin, keliday aniga ma dili karo dibiga case, adiga kaalay oo i raac oo ila dil.” Libaaxii iyo dibigii madoobaa waxa ay soo dileen dibigii casaa. Saq-dhexe markii ay ahaydna waxaa raqdii dibiga cas cunay libaaxii. Dibigii madoobaana kama war-haynin. 
     
Isla maalintii xigtay, waxa uu libaaxii ciddiyaha u soo soofeystay dibigii madooobaa. Markii uu dibigii madoobaa arkey libaaxa ka xoog badan ee dilaya ayaa waxa uu yiri, “Saaxiibkii dile, silic baa u dambeeya!” 
     
Halkaas ayuuna libaaxii ku cunay dibigii u dambeeyay saddexdii dibi.





FIIRO GAARA: Sheekadan waqtigan yaraa ayaa maqli jiray, haseyeeshe, qoraalka sheekada waxaan ka soo xigtay qoraaga Muuse Cumar Islaam buuggiisa Sheekooyin Soomaaliyeed, bogga 7aad.  



yusufaliadan@email.dk 


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement