Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Sheekh Kenyaawi Iyo Cafi Walaal

Sheekh KENYAAWI, ilama habboona in la dhaliilo ilaa inta si toos ah uu ula shir-imanayo waxa hadda lagu cambaareeyay. Ilaa hadda waxaannu ka aragnaa wax wanaagsan ‘Cafi WALAALKAA’


Laakiin Muuqaal uu baraha soo dhigay -oo uu sida muuqata- ugu jawaabayay qof isaga dhaliilay, sida uu Sheekhu uga fal-celiyay ilama wanaagsaneyn.

Sheekh KENYAAWI wuxuu wadaa Muxaadarooyin silsilad ah oo uu dadka ku boorrinayo in ay is-cafiyaan. Waa uun Muxaadaro! laakiin waxaa la rabay in Sheekha si ficil ah isaga looga arko, TUSAALE fiicanna uu u noqdo  is-cafinta.

Sheekhu Muuqaalkii uu ku jawaabayay waxaa ku jira hadallo ay gudbooneyd inaanu ku dhawaaqin, sida: “Munaafaqiinta warkooda yaan loo dhago-nuglaanin” “Shayaadiin uu xiqdi iyo xasad ka buuxo"  iyo "Uurkooda IBLIIS ayaa ka buuxa” iyo ereyo kale oo muujinaya in Sheekhu uu qofka dhaliilay Caloosha Wax Ugu hayo.

Waxaan is-weydiiyay, sow ma wanaagsaneyn in CAFISKA uu isaga horseed u noqdo, oo uu hadalkiisa kusoo koobo oo kaliya: “Anigu siyaasi ma ahi, walaalka waxaas igu tilmaamayna wuu igu qaldamay, waxbana uma qabo oo waan cafiyay, maadaama uu yahay walaal qaldamay. Ilaaheyna cafis ayaan u weydiinayaa.”

Hadalkeygu wuxuu kusoo biyo shubanayaa: WAA IN WAXA AAD JECESHAHAY AMA AAD DADKA FAREYSO ADIGA LAGAA ARKAA.

W/Q Jacfar Kuukay 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement