Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Muna Kay Iyo Jacaylkii Farmaajo

Tan iyo shalay waxaa baraha bulshada ku jiray muuqaal ay soo duubtay xildhibaannad Muna Sheekh Khaliif Abuu oo ku magac
dheer 'Muna Kay' oo sheegtay in walaasheed Maryam Sheekh Khaliif lagu xiray garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde iyadoo doonaysa inay u ambabaxdo dhinaca magaalada Baydhabo.


Xildhibaanad Muna Kay ayaa ka mid ahayd kooxd xildhibaanno ah oo guddoomiyaha baarlamaanka kala qaybgeli lahaa caleema saarka madaxweynaha Farmaajo ee Koonfur Galbeed dhowaan loo soo xulay.

Haddaba su'aasha dad badan iswaydiin ayaa ah maxay galabsatay xildhibaanad Muna Kay walaasheed?.

Xildhibaanad Luul Cabdi Aadan 'Luuleey'  ayaa mindi ama tooray damacday inay geliso xildhibaanad Muna Kay, balse walaasheed Maryam ayaa ka difaacday mindidi iyadoo feerna wejiga uga dhufatay xildhibaannad Luulay sida ay ii xaqiijiyeen xildhibaanno goob joog ahaa. 


Luuleey ayaa muddooyinkan dambe weerar ku ahayd xildhibaannad Muna Kay madama ay ku biirtay garabka mucaaradka ee Farmaajo iyo Xassan Cali Khayre, inkastoo hore ay jacayl darran ugu qaaday Farmaajo iyo kooxdiisa.



Dhanka Xildhibaanad Muna Kay ayaa sheegtay inay dammaanad ku soo daysay walaasheed, sidoo kalena aysan dalka ka baxayn oo ay u socdeen caleema saarka madaxweynaha Farmaajo ee Koonfur Galbeed Lafta Gareen oo Baydhabo ka dhacday maanta. Waxay kale oo sheegtay inay iyada iyo xildhibaannada walaasheed dhaawacday yihiin dad ehel ah oo arrimahooda si hoose u dhamayn lahayeen.



Afhayeenka Booliska dowladda Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in xildhibaanad Luul Cabdi Aadan dhaawac culus ku yaallo, xildhibaanad Muna Kayna doonaysay inay walaasheed la baxsato, balse boolisku soo qabteen, sharcigana la horkeenni doonno.


Dowladda Soomaaliya ee u hoggaamiyo Farmaajo ayaa u muuqata mid waqtigeeda ku luminaysa dagaalka cid kastoo ka figrad duwan, halkii ay shacabka Soomaaliyeed uga shaqayn lahayd. 

Sidoo kale xildhibaannada ka soo jeeda beelaha aan hubaysnayn ayaa ah kuwa khatarta ugu badan kala kulmaaya maamulka Farmaajo iyo Xassan Cali Khayre hoggaaminayaan...



Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement