Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Xildhibaan Afkiisu Mucaarad Yahay, Codkiisuna Mu'ayid.


Xildhibaannada gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay xeer wax looga beddelaayay maamulka Baanka dhexe ee Soomaaliya oo muddooyinkan dambe muran xooggani ka taagna,
sida u guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal sheegay waxaa xeerkan oggolaatay 158 mudane, halka 17 ay diiddeen, xeerkuna sidaas ayuu ansax ku noqday.

Inkastoo tiro rasmi ah laga hayn xildhibaannada ka soo horjeeday xeerkan, haddana waxaa jiray tiro xildhibaanno ah oo aad uga soo horjeeday wax ka bddelka lagu sameeyey xeerka baanka dhexe.

Dad badan ayaa haddaba iswaydiin halkee ka baxeen xildhibaannaday ansixita xeerkani?.

Xildhibaannada baarlamaanka ugu hadal kulula maanta waxay ahayeen kuwii madaxweyne Farmaajo aadka u taageeri jiray, tusaale waxaan u soo qaadan karnaa Cabdi Shire Jaamac Ciyaar-Jecel iyo weliba Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo isagu yidhi ''Ninka Ajnabiga ah ee Bangigga dhexe loo dhiibayo xukuumadda waxaan ka rabnaa Kitaabkii ay ku dhaarin lahayd'' isagoo ula jeeda ninka Ingiriiska u dhashay ee  xukuumadda Soomaaliya doonayso in loo magcaabo guddoomiyaha baanka dhexe Nigel Roberts.

Balse waxyabaha yaabka lahaa ee lagu arkay kulankii baarlamaanka ee maanta lagu meelmariyay xeerka wax looga beddelaayay soo xulista xubnaha guddiga agaasinka bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa ka mid ahaa: xildhibaanno afka uga soo horjeeday xukuumadda, halka codkana ay ku taageerayeen. 

Dad badan la yaab kuma aha dhaqanka labo wejiilaynta ee xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, madama ay yihiin rag calooshood u shaqaystayaal  u badan oo aan ku iman rabitaan shacab. 

Farmaajo iyo xildhibaannada ka agdhow ayaa inta badan wax kastoo ay xummaan ama ay arkaan inay samcaddooda dilayso u saariya Xassan Cali Khayre oo aad mooddo in isaga loo magcaabay wax kastoo xun  masuuliyadda qaadashadeeda. 

Haddaba si Nigel Roberts shaqadiisa loogu magcaabo waxay u baahan yihiin kooxda Farmaajo taageerada cullimada shillinka iyo odayaasha ma sarriigtayaasha ah.









Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement