Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Qirashadii Abgaal ee gows buuxsiga iyo Cafis dalabkii Gaas.

Waxaa tan iyo shalay la hadal hayaa, qiraalkii wasiirkii hore ee wasaaradda boostaha iyo isgaadhsiinta maamulka Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal
u ku qirtay inuu xaaraan cunay cudurna ka qaaday, sidoo kale waxaan ognahay inuu horjoogahii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday cafis, inkastoo uusan qirasho dembi samayn sida Abgaal yeelay.

Wasiirkii hore ee boostaha iyo isgaadhsiinta ee maamulka Somaliland ayaa ku sababeeyey inuu qirasho ka sameeyo xadtooyadii xoolaha dadwaynaha ee u sameeyey, kadib xanuuno kala duwan oo ku dhacay iyo xaaladdiisa caafimaad ee xilligan oo aan wanaagsanayn.
14-kii bishan ayay ahayd markuu horjooge Cabdiwali Gaas u dadwaynaha Puntland ka dalbaday cafis, balse uusan soo hadal qaadin billiliqadii baahsanayd ee maamulku madaxda u ahaa sameeyey. 
Hadalka Abgaal ka sanqariyay ayaa ah miday inta badan  la dhuuntaan siyaaasiyiinta Soomaalidu, warkoodana lama maqlo illaa geeridu uga timaado ama bulshadu xan ku maqasho xanuunkooda maahee, sidoo kale qirashada xanuunnada ayaa Soomaalida dhexdeeda ka ah ceeb iyo waxaan la sheeg-sheegin.
Waxaa jira arrimo qariib ku ah dadka Soomaaliyeed dhexdooda oo horjoogayaasha Soomaalidu la kulmaan kuwaasoo inta badan dadwaynahu ku sheegaan dhaxalka boobka hantida dadwaynaha, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa dilkii horjoogahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole (Afwaliinjo) wiil u dhalay oo lagu magcaabo Cumar Faroole ugu gaystay magaalada Garoowe  hooyadii  Amiino Abiib.

Haddaba madaxda Soomaalida ee xilligani maxay ka baran karaan qirashada ugubka ah ee Abgaal sameeyey?, Imisaa'se la amuusan wax ka darran waxyabaha u Abgaal ka sarqamiyay?.


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement