Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Cabdi Iley iyo Quursiga maxaa isku xiray?



Aroosyada maamulkii Cabdi Iley sameeyey ayaa loogu yeeray 'Aroosyada qarniga', odayaal badan ayaa gabdhahooda ku bixiyay golayaal shacab, dhaqaale doon xilligaa, cabsi ama gobannimada Soomaali lagu sheego miday doonto ha ahaatee, waxay u muuqatay billow wanaagsan oo looga gudbi karo dhaqan jaahiliga ummadda Soomaaliyeed la haray.

Balse nasiib darro wax yar ka hor waxaan ku arkay bogga raadiyaha dalka Ingiriiska ee laga leeyahay ee BBC qaybtiisa Afka Soomaaliga,  in dhallinyaradii qaarna la kala furay kuwana noloshu ku addag tahay.

Ceeb maaha inaad wixii wanaagsan ka qaadatid maamulkii ka horreeyey, balse waxaa ceeba inaad jidkiisi xummaa raacdid.

Waxaan iswaydiiyay, madaxda Soomaalidu wixii xunba waa isaga daydaane, maxaa u diidday waxyabaha wanaagsan inay isaga daydaan.

Maamulkii Cabdi Iley la iskuma hayo inuu ahaa mid arxan darran, hanjabaad, xabsi iyo xasuuqa shacab'na ka gaystay deegaanka Soomaalida ee Itoobiya gumaysato, haddana lama ankiri karo inuu wax badan ka qabtay faquuqii iyo islawaynidii dadka qaar kula kici jireen bulshada Soomaaliyeed qaybo ka mid ah.

Fiiro gaara: Marna ma taageersani guurka khasabka ah, sidoo kalena ma taageersani dad isku faraxsanaa in qabiil lagu kala kaxeeyo.


Maamulka cusub ee madaxweyne Mustafa Cagjar waxaa looga baahan yahay wax ka qabashada quursiga lagu hayo qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, gabdhaha ama wiilasha loo oggol yahay guurka Xabashida iyo Oromada loona diiddan yahay guurka qof Soomaali ah iyadoo qabiil loo fiirinaayo wax la aqbali karo maaha.

Madaxwayne Mustafa Cagjar iyo maamulkiisu haddii aysan waxba ka qaban karin quursiga beelaha Soomaalida qaarkood lagu hayo, yaysan ka qayb qaadan burburinta qoysaska dhisan.

Waxaan maqlayaa in gabdho rag beelaha la haybsooco ah hore loogu daray in iyagoo aan la furin kuwa ehelkooda ah loogu guuriyay si khasaba.

Odayaal badan ayaa laga sheegay iyagoo leh 'Cabdi Iley hadduu tegey dambe midgaan gabadheena u qabi maayo'  waa su'aale: maxaa isku xiray maamulkii Cabdi Iley iyo joojinta quursiga".


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement