Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Biseyl siyaasadeed baa ii muuqda!

Dad waxaa ugu liita ninka geedkuu beeray ee uu midhaha ka sugayay ujeeddo la'aan gunta ka jara.

Madaxweynihii hore ee soomaaliya iyo madaxweynayaasha  maamullada iyo madax doonayaashaba waxa aan ku boggaadinayaa in ay weli diyaar u yihiin wada hadal iyo wax isla meel dhig.


Waa wax jiraal ah in aadanuhu arrimaha qaar ku kala aragti duwanaadaan, waxaase habboon in waxii lama huraan ah lagu dhaqaaqo.

Dowladda hadda jirtaa waxaa dhagax dhigay rag hubeysan oo aan is rabin oo mid weliba isagu madaxweyne isu haysto, haddana waxaa laga fursan waayay in ay isu yimaadaan oo wax wada dhisaan, taladii maalintaas ayaa keentay halka maanta la joogo.

Kuwa maangaabka ah ee u arka in laysku dagaali doono dhiigna lagu daadin doono kursiga madaxweynaha, waxa aan qabaa waa kuwo aan gu' jirin  garaadkooduna kobocsanayn.

Waddo kasta oo lagu helayo is afgarad waa nin si nabdoon loo maraa, hala hadlo, hala doodo, hala wada fadhiisto, waxaa ugu dambayn la gaadhaya xal waara oo badbaadiya jiritaanka dowladnimo.

Maaha in dadkeenna soomaaliyeed lagu sunto kuwo waxmagarato ah oo aan dagal maahine xal aqoon.

Madaxweyne Farmaajo haddii rabitaankiisu socon waayay maaha kii ugu horreeyey, waxa hortiis xilka ka tegay 8 Madaxweyne oo ka horreeyey, haddii uu inta soo tartamo ku guuleystona waa nin ka ayaan iyo cawo badan  kuwii ka horreeyey, keliya waxaa la gudboon inuu oggolaado in ciyaarta siyaasadeed si wanaagsan loola ciyaarey.

Bulshada soomaaliyeedna waxaa danteedu ku jirtaa in aysan qaadqaadin oo aanay colaad u buun tuman.

Soomaali waa is dishay mana kala adkaan, waxaa kale oo aan ognahay in aynaan kala maarmin, Doqontu marka la xifaaltamo in la kala tegay bay moodaa!

Mid kasta oo isku daya inuu damaciisa iyo rabitaankiisa dhig u daadiyaa waa nacabkeenna.

Dagaalladii shalay ninna guuli kama raacin, mid manta dhacana ninna guuli kama. raaci doonto, danteennu waa nabad, xasilooni iyo in sharciga loo sinaado.

Madaxweynaha ammin xileedka ayaa ka dhammaadey maaha ee noloshiisu ma dhammaan, waxii ka gadmadey waxaa ku sixi karaa inuu hadda dhanka wanaagsan iska taago.

Aragti ahaan waxa aan qabaa in is beddel cusub oo dhaco, raggii hore oo dhanna gaar laga maro. Guushu ninna walaal lama aha, balse garoowshiiya xumaa, gurrac iyo gardiid ayaa god innagu ridi kara.

Doorasho waa dhacaysaaye nin is walboow waxaad taqaan la gole kaalay, anigu ma hanjabin weli yididiilo weyn ayaan qabaa oo ah wax weliba in ay hagaagayaan, ninkase quustay waa mid aan lahayn kalsooni nafeed.

Guul iyo Gobonnimo.

Gadhwadeenku ruux buu ka yahay, Gaydha dirireed.
Galladuna waxa ay saaran tahay, Wax isu geyngeyn."Hadraawi/Gudgude" 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement