Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Billowgii Muddo Kororsiga Farmaajo

Soomaalidu waxay tiraahda labadii xaaraanta ku heshiisa xalaashay ku dirirta.

Farmaajo, Axmed Madoobe iyo horjooge Deni waxay ku heshiiyeen

in xilka laga qaado Xasan Cali Khayre 22 bishii Luulyo 2020, kadibna Farmaanjo xilka loogu darro muddo 1 hal sanno ah, iyadoo shuruudu tahay inay saami ku yeeshan xukuumadda ka dambaysa Khayre.
Isla 25 bisha Juulay, Farmaajo oo adeegsan awoodda guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xilka ka qaaday ra'iisal wasaare Khayre, si loo fuliyo ballankii labada horjooge. 

Madaxwayne Farmaajo oo ballankii shirkii Dhuusamareeb fuliyay iyo horjoogeyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa magaalada caasimadda ee Muqdisho ku saxiixay 17 Siteembar 2020 heshiis laga gaaray doorashada, kaasi oo ahaa ballankii Dhuusamareeb oo heshiis loo beddelay.

Balse waxay wax kasta is beddeleen, maalinkii xigtay 18 bisha sipteember 2020, markuu madaxwaynahu magcaabay ra'iisal wasaare, dibna loo soo celiyay inta badan golahii wasiirada xukuumadii Khayre. 

Waxaan sugnaaba waa Farmaajo oo heshiiska qarsoon ee muddo kororsiga soo bandhiga iyo baarlamaanka waqtigoodu dhacay oo waqtiga u kordhiya madaxwaynaha.  


- Yusuf Cali Aadam

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement