Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Reer aan ogahay ma guuro!


Soomaalidu waxay tiraahda geed walba dhecaankiisu dhalaa, horjooge Siciid Deni iyo shisheeye u addeegistiisu shalay maaha mid billaabatay,

ee waa taariikh iyo waxay farac u leeyihiin. Bal aan dib ugu laabano taariikhda gumaysi jacaylka ee beesha horjooge Deni, siduu qoray John Gordon S. Drysdale (Cabaas Idiris) oo ahaa dibloomasi, sargaal iyo qoraa Ingiriis ah; ayaa isagoo ka warramaya waqtigu ahaa qunsulkii Xamar u fadhiyay Ingiriiska xilligii maamulkii daakhiliga; wuxuu yidhi ''Waraaq ay u direen 1959-kii qaramada midoobay Muuse Boqor iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxay ku weydiisteen in dib loo dhigo xorriyada Soomaaliya, sidoo kale waxay diiddeen midnimada koonfurta iyo waqooyigu Soomaaliya''.

Dhanka qabyaaladda, markii riyada kala qeybinta dalka Soomaaliya iyo gumaysi ku sii jiridu u shaqeyn weyday, waxay diiddeen xorriyadii iyo midowgii Soomaaliya; in wax lagu qeybsado Koonfur iyo Waqooyi. waxaana ay soo jeediyeen in wax lagu qeybsado Irir iyo Daarood... taasi oo sababtay in lix wasiir iyo lix wasiir loo kala qeybsado xukuumaddii Cabdirashiid Cali.
Burburkii kadib waxay soo jeediyeen in dalku federaal noqdo, haddana isla iyagii ayay xaajadu la xummatay, markay arkeen Muqdisho, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabeel....Heedhe boowe annaga ugu gobollo badan!!! Eedday.
Cabdullaahi Yey iyo Amxaaro markii Soomaaliya lagu qabsan waayay, waxaa beddelay beesha caalamka iyo Faroole warkiisi ahaa nagalama tashan oo dhaxal noqday.

WQ Yuusuf Cali Aadam

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement