Kenya waa hasha geela cunta ee cabbaada... iyadoo magangelisay koox argagaxiso & qaswadayaal ah ayay weliba ku andacoonaysa in weerar lagu soo qaaday dhulkeeda si ay u difaacdo Axmed Madoobe;
"hadda waa dhul iyo dad ay gumaysi ku haysato..." intaas waxaa dheer waxay yiraahdeen hanti ayaa laga burburiyay muwaaddiinin Kenyaati ah, halka ciidankeedu markii 10-aad duqeyn u gaystay ateennooyinka shirkadda Soomaaliyeed ee Hormuud, intaas waxaa dheer boqolaal Soomaali ah oo la barakiciyay qaarkoodna xabsiyo loo taxxaabay.
Kenyaatigu waxay maanta u dig iyo dam leeyahay waa inuu dhulkeenna xorta ah ee Jubbooyinka, iyagoo is moodday Ruushkii gobolka Crimea xalaalaystay.
Balse waxay illowsan yihiin inaan Soomaali weli ka samrin gobolka NFD.
Shan bil kadib February 22, 2012 ayaa Kenya, u diga rogatay AMISOM.
Qaraarka ay AMISOM kaga mid noqotay oo lambarkiisu yahay (UN SC Resolution 2036), waxaa aad ugu ololeysay Dowladda France.
Kenya, kuma imaan ogolaansho dowlad Soomaaliyeed, haddana kuma joogto ee diblomaasiyad ay cayaartay iyo warqad Cabdiweli Gaas, u qoray iyo heshiis is afgarad ah oo Cabdiweli Gaas, u saxiixay Raila Odinga, ayey UN Security Council, la tagtay welina uga tirsan tahay AMISOM.
Ciidanka aan AMISOM, ka tirsanayn ee Kenya, ka jooga Jubada Hoose, ayaa labo jibaar ka badan, inta AMISOM ku mushaar qaata oo ah 3,810 askari.
Ugu dambayn dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay u middooba gumaystaha umula-dooxa ah ee weerarka ku ah dhulkiinna, khayraadkiinna iyo sharaftiinna.
0 Comments