Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Runta Xabashida iyo xiisaha Soomaalida!

Qof kasta oo ku abtirsada Xabashi midka uu doono ha noqdee, waa ka dhan in uusan marnaba diidin kana been sheegin sooyaalka Xabashida.


Xabashidu(itoobiya)  waxa ay rumaysan yihiin in dalka soomaaliyeed yahay dhulkooda oo soomaaliduna tahay dad soo guurta ah oo aan dhulkan lahayn oo xoog ku qabsaday.

Waxaa dhawaan dhacday in madax itoobiyaan ah ay shir ugu qabtaan warbaahinta soomaalida inaysan faafin sooyaalkii colaadihii Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena aysan ka hadlin arrimaha ku saabsan geeska si bay yidhaahdeen labada dhinac laysugu soo dhaweeyo oo loo ilaawo wixii dhacay.

Isla markaas waxaa lagu qoray Manhajka waxbarashada itoobiya in soomaali galbeed ay tahay dhul Itoobiya leedahay oo dad soo guurta ah oo soomaali ahi degeen oo aan u dhalan dalkaan.

Bal eeg dhagarta in wiilka soomaaliga loo sheego Itoobiya waa walaalaheen, waa garabkeenna, dalkeenna ayay u hiilineysaa, shalay ayay inoo hiilisay iyo sheekooyin aan wax sal iyo raad toona lahayn.

Wiilka itoobiyaanka ahna loo sheego in dhulka soomaaliyeed oo dhan ay xabashidu leedahay, in uu Mogadisho u shaqo tegi doono kuna dabbaalan doono xeebaha soomaaliya, in soomaalidu aysan dhulka lahayn ee iska soo degtay.

Waa laba arrimood oo kala fog, haddaba Xuska 1977  Xabashidu kuma gefsana oo waxa ay ka run sheegayaan sooyaalkooda ubadkoodana barayaan si uusab ugu arag soomaaliya iyo soomaalida dad wax leh.

Haddaba bulshada soomaaliyeed ee Itoobiyaanka u rixiya uguna yeedha walaal maxaa la gudboon?

Ma inay sidaa ubadkooda u dhagraan kana qariyaan dagaalkii qotada dheeraa ee  in ka badan 800 sanno na dhexyaalay ee Boortaqiisku u soo gurmaday labada jeer, kii 1964tii, kii1977  galbeed iyo bariba looga soo gurmaday ee ciidankeenna lagu jebiyey.

Itoobiya iyo Xabashidu weligeed noqon mayso xigaal iyo dad soomaali danteeda ka shaqeeya oo wanaag u horseeda, balse hawsha itoobiya waa inay soomaalida kala disho, isku dirto oo dab ka dhex huriso.

Itoobiya weligeed sama uma falin soomaaliya, weligeedna heshiis lama noqon.

Haddaba soomaalida xiisaha iyo kalgacalka beenta ah u hayoow cidlaad gudaysaane( Inkastuu durdur iyo dabbaalgalo, doofaar abidkiis ma daahiro) Xabashina xigaal noqon maayo weligii ilaa uu xubin xubin kaa dhigo oo dhulkaaga iyo baddaadaba xoog ku qaato, waa haddaan qaabka maanta ku socono.

Hala baro sooyaalka Soomaalida ubadka hanala loo sheego dhulka ka maqan ee Xabashida iyo Kenya gumeystaan.

Halagu barbaariyo inuu dalkiisa colka iyo nacabka ka jiro, weligiisna uusan rumeysan dhagarta Xabashida iyo Kenya.

Xabashida nin raaco
Xigaalnimo ka doono
Xogtiisii u dhiibtaa
Xiiseeya weligii
Kama helo xannaane
Xabsi bay gelshaanoo
Xabbaal bay ku aasaan


W/Q Cabdiraxiin Galayr.


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement