Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Gobollada Waqooyi oo ka soo baraarugay riyo-maalmeedkii

Waxaad moodda in maamulka gobollada waqooyi (Somaliland) soo baraarugay, kadib ku dhowaad  30 soddon sannadood oo been iyo khiyaali lagu maweelinayay dadka rayidka ah. Muuse Biixi Cabdi horjoogaha gobollada waqooyi wuxuu Addis Ababa kulan kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra-iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed.


Inkastoo aan faahfaahin rasmi ah laga bixin kulanka, iyo wixii looga hadlay haddana hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha gollaha guurtida gobollada Waqooyi Saleebaan Gaal, wuxuu caddeyn u yahay dhammaadka riyo-maalmeedkii beesha Isaaq.


Saleebaan Gaal wuxuu yidhi isagoo la hadlaya xubnaha gollaha guurtida "Abiye waanu soo dhoweyn, balse Farmaajo soo dhoweyn mayno....." balse su¨aasha isweydiinta mudani waa Abiye iyo Farmaajo kuma Hargeysa in lagu soo dhoweeyo mudan?.

Cabdi Qeybdiid ayaa laga hayaa "Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin"... Beri Saleebaan Gaal inaan ku aragnaa garoonka Cigaal ee Hargeysa isagoo qeyb ka ah soo dhoweynta Farmaajo waa suurtgal.
Ku dhowaad soddon sanno oo been iyo khiyaali ah, waqti dhumis, rajo dil dhallinyaro iyo dhimasho micno darro ah ayaa u eg kuwa dhammaad ah.

Heshiis kasta oo ummadda Soomaaliyeed la dhexdhigo waa mid wanaagsan, inkastoo aan la aqoon heshiiska Itoobiya dhex dhigi karto dadka Soomaaliyeed iyo ujeedka ka dambaysa.... inkastoo hore ra-iisul wasaaraha Itoobiya u sheegay in dalkiisa lagu wareejiyay afar saac oo u ku sugnaa Muqdisho afar dekeddood.

YusufAliAdam@hotmail.com

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement