Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Waxaa loo baratamayaa ma xeerada salkeedaa ???

Ma la gaaray hadafkii? Mise weli gabaara gurdaa lagu jiraa?.
Ma aan kuu taliyo iyo ii talin maysid bay taladu joogtaa?Ma beentii naloo sheegayey oo nalaku sabaalinayey baa idlaatay?.

Qofna ma moogana in madaxda hogaanka u qabatay wadanka (Dawlad Dhexe iyo Dawlad Goboleedba) ay noqdeen biiri qaata yaal u halgamay sidii ay u hooshi lahaayeen xoolahaa ummadda laga uruuriyo iyo macaawinadda deeqda loo siiyey ummadda.
Ma dib baa loo gurguurtay oo hadba ninkii hub badan baa amar ku taag laynta iska leh?.
Ma magac beelaadkii la qarinayey baa dibadda loo soo saaray?.
Madax dhaqameed yada gartay in ay luf-luf ku mashquuleen, ee aqoonyahanadii maxaa ku dhacay?.
Ma shisheeye lacag bixiyey in loo aqdaamo baa door la biday oo Sharaf noqotay?. 
Maxaa wadama dadkeenii haysta waa walaalo loo yiri oo ninba ciidamadooda khaadin u noqday? Reera ba’ayow yaydin leh?.
Ma Ethiopia iyo Kenya ayaa ku loolamaya  wadankii geesiyadu u geeriyoodeen? Waxaan maqli jirey: Sagacyohow Wanka adigu macasha u qabo oo hadana oo adigu gawraca u mari. Ma sida wadanka loo qaybsaday baa run ah oo arrimaha socda waa indha sarcaadin?.
Hadaba akhristow yaa adiga saami kuu helay?.
Ma Sacuudiga, imaraadka,  Qadar, Baxrain iyo Turkiga baa taladii  Somalia la wareegay?.
Ma shirkadihii shidaalka lacagtoodii laaluushka ay u bixiyeen baa qarqisay siyaasiyiintii?.
Ma idaacadihii beelaha kala lahaayeen baa xishoodkii ka tegey oo qabiilkii la qarinayey soo shaaciyey?.
Maxaa ku dhacay fikradii ahayd “doorashada qof iyo cod”?.
Goormaa dadweynuhu baraarugayaa? Mise shicibku waa doqomo?.
Heedhe waan asqoobaye wax ii sheega. Raja yar baan qabaye ma iska quustaa?.
Ma dadkii baa waashay, mise wax la qarsanayey baa lala soo baxay? Malaha sagac aan wax kala ogayn baan ahay. Bahluulnimada waan isku ogaa ee intaas inaan dhaamo baan isu haystay.
Walaal markii aad salaada tukato oo aad ducaysaneyso, walaal in Somaliya cadawga gudaha iyo dibaddaba ka qabto noogu soo ducay. In Ilaahay inta Somalia xumaha la maagan iyo inta ummadda dheceysa iyo inta ummadda dhiigoda in la daadsho ku hawlan in Eebe dhib aaney weligood ka soo waaqsan ku keeno. Eebow ummadu waa masaakiine Ilaahayow u hiili. Aamiin.


Waxaa qoray Prof. Cumar Farjac.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement