Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Sheekadii GOOD IYO GUULEED iyo mansadeedii



Nin baa bari aroostay Ciyaar iyo mashxarad ka dib waxay isaga iyo xaskiisi Looso galbiyey aqalkoodii isla habeenkii waxa qoyskii cusbaa ku soo guureyey Mas (Good)
Balse nasiib xumo maskii waxa uu qaniinay ninkii iyadoon wali juuq la isu oran ninkiina meshii bay naftii kaga haday gabdhii yareed ee arooska ahaydna markay wayday wax dhankeeda soo egana waxay is tiri malaha habeenka koowad waa la iska seexdaye  seexo
Qoyskii wiilka damce bal inay soo bariidiyaan reerka cusub  WAR HEBEL WAR HEBEL dhawr jeer ku celceshe  balse jawaabi waa gacan lola tag lana arag inuu dhintay   gabadhii baa laga shakiyey war ninka gabadhu ma iyadaa dishay la is waydii  gabdhii waraysi loogu dhaqaaq  markaad naga tagteen meeshu seexday dee waa ka wali jiifa gabdhii ku jawaabtay  inuu mas dilay ninka la arag  raadkii maska loo soo raac balse maskii geed iyo god uu ku  gabado dalkii ka waa elen waa dhagar qabee ilahy dhulkii buu salax uga dhigay maskii isago yaban baa waxaa ka soo hor baxay nin Guuled la oran jiray ninkii buu is taajiyey waxa uuna uga waramay waayihiisa iyo in ladaba socdo orodna uusan meel ku gaarin waxa uuna ka codsaday inuu manta badbadiyo  abaalkeeda u gudi  doono ninkii maskii ugu jawaab waryahee labadeena quruumod iskuma aynan wanagsanene goormaynu saxiibany madan bahal hoose ahayn   war anigaba igu baro maskii ku jawaab  dee waayahee xagaan kugu qariyaa ninkii ku celi   luquntaada ban isku duubayaye go aaaga uun dusha iga saar  Oo xagaad igaga haraysaa  Nimankaa soo socda uun idaba mari ragaas  hadad idaba marisana waan ka dagayaa   sidii buu yeelay  bahalkiina qari  nimankii buu kala hor tagay way waydiiyeen waxay yirahdeen War nin yahow bahalkaas  baanu raadinaynee ma aragtay nin aroosuu soo cunaye War niman yahow indhahayguba dhulka ma eegaynoo Geel baa iga lumoo cirkaan eegayeye ku jawaab balayo qarsay  markuu nimankii dhafay buu maskii ku yiri Goodow hadaba soo dag maskii ku jawaab  war naftaada iyo dhiigaga mooye wax kaleba ma hayee xageen usoo dagaa dhulkana godob ban ka qabaa cirkana gaari kari maaye halkaan kugu cuna uun arag elen risiq kale ba ma hayo iminkee   ninkii guuled ahaa talo ku cadaatay war nin yahow abaal ban kuu galee abalkaygiina sidaa ma ahee iga soo  dag buu yiri  Abaalka waa la galaa balse hadad wax guda hesho waa ka dagayaa buu yiri maskii  aynu cid isla doonano lagu heshii
Awr guri lagaga guuray oo gaboobay bay isula yimaadeen ninkii baa sheekadii awrkii dabada uga galay  noo garnaqna ugu xijiyey awrkii waxa uu yiri Abaalka waa la galaa mooye lama gudo sodon sano in ka badan baa dhaaminayey , hayaaminayey , qixinayeye , guurinayeye oo la I rarayey manta markan gaboobayna dee waa taas oo halkaa la igaga guuray marka abaal waa la galaa mooye lama gudo halkaa waxaa gar ku helay maskii ninkiina talo ku cadaaty war bal an cid kale isla doonano ku yiri maskii  Waayahee ina mari ugu jawaab waxay hadana isula tageen oday gaboobay oo raqayo ah isna gur looga guuray Oodan afka laga saaray  ninkii is yiri Awrkii xayawaan buu ahaaye ninkan baa bini adam ah oo kaga rogi doona maska  sheekadii uga dhac noo gar qaad ugu xiji Odaygii baa yiri  Abaalka waa la galaa mooye lama gudo Beeshaas dhan ee ad soo dhaafteen dadka haystaa waa dadkan dhalay iyo dadkay sii dhaleen xoola waxay heystaana anigaa dhaqay markii an manta gaboobay oo la iga quustayna waa taa la iga dhaqaaqay oodana afka la iga saaray marka abaal waa la galaa mooyee lama gudo 
Maskiina wali qoorta waxa uu kaga duuban yahay ninkii isagoo libiqsiga il qoorka ka tusaya buu waxa uu ku yiri war waa taas oo kaa gar helaye meeshan kugu cuno uun aragoo igadaa jabaqda ninkii fursad sadexaad ka dalbay maskii  loona ogolaa   war kimisi kuma labnee fursad sadexaad hadad gar ku helayso ku siiyey baa lagu yiri
Dabadeedna isagoo yaaban baa waxa ka soo hor baxay gabadha yar ee mashxarada wanaagsan ee Dawaco  la yiraahdo ninkii dawacadii u waran ugana sheeke xalka uu ku  sugan yahay iyo inay u gar qaado labadooda dawacadii baa waxay tiri war anigu waligayba umad isa saaran uma gar niqine ee horta soo kala daga elen waad isa saaran tihiine maskii baa yiri naayahee dawaco sidaasa lanoogu garnaqyoo gartana  ku heleyne  maxaad leedahay   war ninka ka soo dag hadad gar ku leedahy anagaa kuu qabanaynee intay ninkii jeenyaha la sariiratay bay tiri maskii ninkii ka soo dag markasay dawacadii intay xarago dhaqaaqday mashxaaradna ku dhufatay bay tiri war dee hadaba iska celi waa anagaa ka soo dajinee


Ninkii oo islahaa mar uun yaa mucjisadan ka dajiya oo arkay maskii oo ka dagay iyo iska celidii xigaty dee dhagax iyo qori waxa uu qadan karay ba ku dagaalan 

Sheekada oo mansaysan
Googa hadrawaw , gaariyow cigale , gani weeye xajadu , good  baa nin cunay  bari ,guursaday habeenka , gabadhii arooskii gogoshii ku kaliyey , geeri lama filaana , guriyihii ku timiyoo ,gacalkiina subaxdii ,raadkiisi buu guray, isgoon god helin wali , meeshuna gawaan tahay , aan geed la cuskadaa jirin ,buu gadaal jaleecada arkay guuto raacda ah ,guul dareeste ,meelu ku gabado ma heystee ,gocashuu  maciinsaday , in yar  goortii loo jiray ayaa goodkii nin u yimi guuleed la oran jiray iska gooni socota ah ,waxa uu yiri gantaala la ila gaada yaayoo  gormad baa igu soo dhaw godmaa la ii sitaa badan  in la I gawracaaba talo la igu godoonsaday  go,i waa imagan gali hadii  ad nin goba tahy , garan mayo buu yiri jilbiskaa galasha leh iyo goor dhagaystaha sidan good ku aamino goormay  dad iyo halaq gacan saarka yeesheen , colaad gun dheero guuna baa dhex taalaye bini admi goormay gacal noqdeen abeesada iminkana war goodow an kuu gabagabeeye inaan goob xun lagu dhigin ha I gunaanad seejine ana galabta ha  I dilin buu yiri
Waxa uu yiri in gawsaha waabayda gaaxsadiyo miciyuhu ku gaarana ha ka yaabin guuleed ma ana ihi gabrartaha gunta habar dugaage xor gurguuratan ahay, guuled ismuu oran goodkani naftaaduu inuu gooyo jecel yahy guuxna waxa uu ku sii yiri allahayow guracanaa isu soo galkeenani waxa uu yiri bal goodow hadan kuu gargar falo goormad iga haraysaa , waxa uu yiri goshaa dhaw kula gaari mayee guutaada I daba mari , waayahaye goodow ma guntigan  ku galiya mise garanka hoosiyo  gaadada dhexdooda ah , anaa garanayuu yiri igu qari go aagoo luquntada sida geed an is garan garshee keen , kuma diidin guuleed gab ku soo dheh buu yiri ,goodkiii ninkii qari gaadihiina daba mari  guutadii ka nabad gali markuu geeyey meelan werar lagala garayn ee uu gabiibkiii siday malin galiinkeed goodow soo dag buu yiri , waayahaye guuled allahayow gob sanidaa buu  yiri waligaa naf gool moon kumaad dhaafin gaajee gartay deeqsi  baa tahy goobaha dagaalkan nin ku geesi yaa tahay goortay u daran tahay nin la magan galaa tahay garaad beela daaja ah guun aqoon leh baa tahay geestii la eegaba garbo la dugsadaa tahay hadaan gabar ku siin lahaa isma geeyo dad iyo bahal hoose guuleed idig gorod madow iyo geeslayda xoolaha waligay ma dhaqan geel xagayaga gamankiyo geenyo lagama qoofalo gabigeed wax lacaga ma hayaan guryahayagu mar hadanan garanayn guushii balaarneed  waxan kaga abaal gudo anay I la gudboon tahay sidaan adiga kuu galo , waayahaye goodow goordanbaynu joognaa gabood daydayuu  yiri , waxa uu yiri nin godob qaba gayigaba dhamantii laga goobayaan ahay waxse galabta sheeka leh nacasnimada guuled gadhku kaga  soo baxay , guuled markaasuu ka daremay goodkii inaan laga gayoonay waxa uu yiri mar goodow gondaha kalay I hoorsoo garbahayga soo dhaaf , guuleed war laawaw gaagabso buu yiri  good cuna ku maranoo  god dhul waayey  baan ahay guudkaga kama dago ha gilgilanin buu yiri gacmaha laabo buu yiri goa ha huwan buu yiri markan galo jirkagee dhiigaga gorarsado guul  ilahay dheh buu yiri  garaac sacabka buu yiri goortay u daran tahy gaadh  iga qabo buu yiri inaan gam o  ha moodine waan kuu il galac layn waana kuu gol leeyahay , guuleed naftiisuu goor baas
canaantoo gabi igu dun buu yiri gabal baasna ha ii dhaco dhib wixii  I gaaraba aniga isu geystee goblan bahasha hoosay eleen good abaal ma leh. 

QOraalka Yuusuf Cali Aadam. 
Fikradii  iyo mansadii .  Abwaan adan tarabi jamac

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement