Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Kenya "Gurmad Iyo Gaajo"!

Dowladda Kenya waa mid ka mid ah dalalka geeska Afrika ee sheegga inay Soomaalida u soo gurmadeen, ciidanka Kenyaankuna waxay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka.


Haddana sidaas oo ay tahay Kenya waxay sheegatay qeybo ka mid ah badda dalkeenna Soomaaliya, sidaas oo ay tahay xidhiidhka ay dowladda Soomaaliya la leedahay waa mid aan wanaagsaneyn.

Kooxaha mucaaradka dowladda ah waxay Kenya ka helaan gabbaad iyo taageero xooggan.

Sidoo kale, Kenya si kastoo ay dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed kula dagaallami karto waa u barreertay oo gabbasho ma leh, si u qorshaheedu ugu hirgalo himiladdeeduna ugu rumowdo waxay hawlgelisay horgalo iyada daacad u ah, balse muuq Soomaaliyeed leh, dadkana isaga dhiga garwadeenno daacad ah.

Boqolaal ciidankeeda ahna qeybo ka mid ah dhulka Soomaalida ayay soo dhoobtay iyadoon la ogeyn cida siisay amarkay dalkeenna ku soo galeen, marka laga reebbo marmarsiiyaha argagaxiso ayaanu la dagaallameynaa.

Maandooriye maalinle ah iyo magac dil Soomaaliyeed oo ay uga faa'iideysan hay'addaha dalkeedda saldhigyada ka dhigtay ugama harine, waxay sii doonaysaa in Soomaalidu macaluul u dhammaato, iyadoo gollaha ammaanka geysay qaraar ka dhan ah dadka Soomaalida ee ku hoos nool maamulka Alshabaab.

Inkastoo laga diidday qorshaha, haddana Kenya iyo dhiggeeda Itoobiya waxay si aan gabbaad lahayn ugu dadalayaan sidii Soomaaliya looga tirtiri lahaa khariirada geeska Afrika. Dadkii Soomaaliyeed ee fahmi lahaa hagardaamooyinka shisheeyahuna dhexdooda warmo isu haysta.


W/Q Yusuf Cali Aadam
Yusufaliadam@hotmail.com 

Post a Comment

1 Comments

Unknown said…
Allah ween ninki amina awood leh

Ad Code

Responsive Advertisement