Isbuucii hore ayaa shaqaalaha qaramada midoobe iyo dadka heyadaha kale la shaqeeya loo diray fariin ah in muqdisho ka dhici doonaan
qaraxyo meelo muhiim ah lala beegsan doono sidaa darteed ay shaqaaluhu feejignaadaan.
Fariintaan waxa ay ka timi Xerada Xalane oo ay daganyihiin in kabadan 150 shirkadood oo ajaaniib ah,safaarado iyo qaramada midoobe.
Saakay waxaa dhacay qaraxyadii ay ka digayeen waliba waxaa la beegsaday meelo muhiim ah sida wasaarada shaqada iyo wasaarada hawlaha guud.
Meelahan dadka caadiga ah marka ay gaari wataan waa lagu jikaaraa oo waxaa yaala baro baaritaan.
Waxaa mudan in la isweydiiyo hadii xafiisyada Xalane laga ogaa qaraxa maxaa sirdoonka Soomaalida uga shaqo gali waayay?
Sidee gaadiidka qaraxa sita ku dhaafay ciidanka meel kasta jooga?
Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay geerida wasiir ku xigeen kii wasaaradda wasaaradda shaqada xil. Saadaq Ibraahim, dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo afjartay hawlgalka Alshabaab.
MM. Dhoore

0 Comments