Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Argagaxiso qabiil loogu garaabayo Puntland ka hor ma arag.

Dhammaadkii 2009 ayay ahayd markuu maamulka Puntland weerar ku qaaday Galgala iyo deegaanno ku harreeraysan oo hoos yimaada
degmada Boosaaso, waxaa deegaannada loo weeraray Alshabaab ayaa ku jirta Iwm, waxaa la xasuuqay boqolaal beeraleey u badnaa, beerahoodiina waa la gubay, dumarkiina waa la kufsaday, dhallinyaro badana dil ayaa lagu xukumay kuwa kalena illaa hadda ayay xabsiyada ku jiraan, maalin kastana weeraro diyaaraddeed iyo duqaymo ayaa laga fuliyaa, iyadoo in ka badan labo kun oo ciidamo ahina weli ku sugan yihiin deegaannada ku harreeraysan Galgala, maantana gobolka Bari qaybo ka mid ah gaar ahaan tuulada Dhaadaar deegaano hoos yimaada ayay maalintii saddexaad dagaallo ku dhexmarayaan Alshabaab iyo Daacish, cid ka hadlaysaa ama ciidamo ku baxay wax ka qabashada kooxahaasina ma jirto.

Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya Galgala oo gobolka Bari ka tirsan iyo deegaannada maanta Alshabaab iyo Daacish ku dagaallamayaan ee isla gobolka Bari ka tirsan?.

Sababta ugu wayn ee Puntland tallaabo uga qaadi la'dahay Daacishta iyo Alshabaabta ku sugan qaybaha fog ee gobolka Bari waa dhulka kooxaasi ku sugan yihiin oo ah dhul Majeerteen, haddii duqaymo laga fuliyo ama weerar lagu qaadana dad Majeerteen ah ayaa waxyeello soo gaaraysa ama barakacaya, balse Galgala Iwm waa dhul Warsengeli oo cidii ku dhiman ama barakacaysaa waxba kama khuseeyaan horjoogayaasha Puntland. Waa kaas sharciga Puntland ka jiraa.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement