Ad Code

Responsive Advertisement

Shacabow Hantidaada.

Farmaajo wuxuu ahaa muwaadin caadi ah. September 6, 2015, waxaa  hotelka SYL ka dhacaya shir ay ka soo qeyb galeen
wasiirka batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar iyo madax kale oo uu ku jiro RW Cumar Cabdirashiid, waxaa sidoo kale marti ku ah madax ka socota shirkadda Spectrum. Waxaa lagu heshiiyay in ay Spectrum sahmiso baaxad badeed ku siman 20k oo km2. Siddeed bilood kaddib, waxay Spectrum sheegtay in natiijada sahminta lagu guuleystay ayna heshay xog  "2D Seismic data" oo waafi ah, waxayna sheegtay in toddobo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda batroolka loo qaadi doonno Masar si arrimahaan loogu tababaro. Shan bilood kaddib October 2016, xog-hayihii joogtada ee wasaaradda Batroolka oo ka qeyb galaya shirka Africa Oil Week ee ka dhacay Cape Town, Koonfur Afrika ayaa Reuters u sheegay in sannadka cusub (2017) ay Soomaaliya markii ugu horeysaysay naadin doonto shatiyada xirmooyin shidaalka laga qodayo.. dhacdada berri London lagu ballansan yahay..

Spectrum waa shirkadda maalinta 7 Febraayo 2019 shirka naadinta xirmooyinka shidaalka ku qaban doonta London. Siyaasiyiin iyo xisbi ayaguba lahaa asaaska dhacdadaan berri London ka dhacaysa ayaa war maamulka Farmaajo xaraash lagu dhaliilayo soo saaray. Shirkaddu waa isla tii, qorshaha agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka musaabadda Africa Oil Week ka sheegay bilo ka hor waa isla munaasabaddii uu xog-hayaha joogtada ka hadlay, isla wixiina ka sheegay sannado ka hor, howsha wasiirka, waa isla howshii wasiirkii hore. Ciladda ugu weyn ee ay hadda siyaasiyiinta ka dhawaajinayaan oo ah in sharci iyo karti lagu maareeyo shidaalka aan jirin, weligeedba waa jirtay....

Kheyraadka Soomaaliya la mid ma aha jago uu qof ku xaragoodo maanta oo berri laga qaadayo. Sida dastuurka uu sheegayo, kheyraadka waa hanti ay si siman u wada leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, maamul walba oo markaas talada hayana wuxuu mas'uul ka yahay ilaalintiisa.

Hardanka ka dhaxeeya siyaasiyiintii shalay qaladka ay maanta Farmaajo ku eedeynayaan unkay oo raadadkoodu ay muuqdaan, iyo kuwa hadda qaladkaas sii wada, waxaa ku dhex lumaya shacabka sida saxda ah u leh hantida la dayacayo.

SHIDAAL SOO SAARIS

Wadamada shidaal lahaanshaha ku darsaday sharciyad, nabad la isku halayn karo iyo furfurnaan ganacsina leh wax fursad ah uga ma bannaano shirkado la mid ah Som Oil ee aan sumcadda iyo hantida lahayn; waxaa ku hardama Shell-yada iyo Chevron-nada caalamka, sidoo kale shirkadaas waaweyn ayagoo eegaya "investment risk model" qatarasha maalgashi, uma bareeri karaan tagista waddan la mid ah dalkeena Soomaaliya oo dagaallo ka soo kabanaya. Waxa isku soo haraya waa waddamo daciif ah oo kuwooda ugu fiican maalgashi doon ah ama siyaasiyiin "xaqul qalam" doon ah oo la yiraahdo "frontier regions" oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo shirkado aan wax sumcad ah iyo hantiba lahayn sida Som Oil, Genel, Range Resources i.w.m.

Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa waxyeeladaan hoose oo ka dhalan karta shidaal aan diyaar loo ahayn oo loo yaqaan habaarka kheyraadka "resource curse".

1- In shirkado ajnabi ah ay sifo sharci ah oo jiilka soo socda aan iska furfuri karin ay kheyraad qiimo jaban kula wareegaan. Sabab... eeg siyaasiga galaya heshiisyo ayadoo aysan jirin wax sharciyad ah oo shidaal oo heshiisyadaas ajnabiga lala galayo xadeyn kara, sida tenure, royalty, tax codes, investment act, mm acts, ...iwm. Waad fahmaysaa haddii aad wax ka og tahay raadadka Luassane Treaty uu ku reebay Turkey ama Suez Canal Convention of Constantinople uu ku yeeshay Masar.

2-In halkii koboc dhaqaalo laga sugayay uu shidaalku keeno dhaqaalo darro loo yaqaano "dutch disease" oo ah in shacabka iyo dowladdaba ay shidaal ku wada mashquulaan ayadoo laga tagayo wax walboo kale sida beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, ganacsiga....

3- In shidaalka halka hadda uu yahay hanti shacab uu noqdo hanti dowlad, kaddibna ay dowladdii uga maaranto canshuurtii shacabka, sidaasna uu ku go'o xiriirka shacabka iyo dowladda, kaddibna dowladdii hoggaankeeda noqdo keli taliye hanti leh halkaasna ay ka dhaqan gasho dowlad keli talis oo xukun ahaan la mid ah Imaaraat, Qatar, Kuwait, Saudi...  markaad eegto heshiiskii Baydhabo lagu gaaray June 2018, wuxuu muujinayaa dhamaan calaamaadkaas sida abuuridda shirkad shidaal qaran oo la mid ah Saudi Aramco, Qatar Petroleum.... waa calaamadaha lagu yaqaano wadamada dib u socodka ah..

4- In la summeeyo deegaanka iyo fayo dhowrka insaanka iyo xoolaha sida ka socoto Niger Delta, Nigeria, qaab shirkadaha loola xisaabtama ayadoo aan hore loo sharciyeyn.

Ha dhagaysan xisbi shalay xukun markuu joogay bilaabay howsha hadda socota, xog-yahe joogto wasaarad oo shalay xaraashkaan rabay inuu dhaco 2017, balse maanta warqad dheer soo saaray asagoo aan xil hayn, iyo kuwa ka dambeeyay oo isla wadiiqadii maraya....

Haddaad tahay muwaaddin, ogow adigaa leh kheyraadka, waxaa sii leh ubadkaaga, ha rumeysan beenta dhahaysa shidaal sanadaha soo socdo waa laga gudbayaa, waa hanti shacab oo dhowrid kaaga baahan.
W.Q Hasan Aadan Hoosoow

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement