maalinnimadii khamiista, isagoo lagu eedeyey inuu muuqaal ka soo duubay ganacsade lagu magcaabo Cambe Cambe oo ku eedeynaaya ganacsade kale oo lagu magacaabo Axmed Jowle fisqi iyo xadtooyo xoolo dadwayne.
Axmed Jowle ma raadsan ninkii eedeyey madama ay Ciise Maxamuud isla yihiin, taas beddelkeeda wuxuu weerar ku soo qaaday mid ka mida wariyeyaashii goobta lagu soo bandhigay xaqiiqooyinkiisa joogay oo lagu magacaabo Nuur Jaamac, madama wariyahu uusan ka soo jeedin qabiilka Ciise Maxamuud ee magaalada Garoowe.
Haddaba muxuu Cambe Cambe ka sheegay ina adeerkii Jowle?.
Ganacsade Cambe Cambe oo ururka Alictisaam ka tirsan ayaa sheegay in Jowle hantidiisu tahay xaaraan, madama lacagaha u haysto u ka billiliqaystay wasaaradda maaliyadda Puntland oo adeerkii Faroole geeyey 2009-kii.
Jowle ayaa xilligan Garoowe ku leh tobannaan guri, dukaano, hudheelo iyo weliba shirkad gawaarida u keenta madaxda maamulka Puntland, ogow hantida aabbihiis kama dhaxlin ee waxaa u sameeyey shantii sanno ee adeerkii Afwaliinjo ahaa horjoogaha Puntland.
Axmed Jowle Aabbihiis wuxuu magaalada Garoowe ku iibin jiray hubka, ka hor intii aan xabbaddii kaga fikan nin bastoolad ka iibsanayay.
0 Comments