Wasiirka Maaliyada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka ayaa intuu xilka hayey dhawr
jeer ku celceliyey arrimaha cashuurta ku saabsan.
Haddaba cashuurtu waa isku tashiga bulsho ay ku maareeyaan noloshooda iyo maamulkooda oodhan waana mid lagama maarmaan ah, Wasiir bayle ma hayaa bulsho aan ahayn kuwa Muqdisho degan oo bixiya Cashuurta, Gobollada dalka oodhan gaar ahaan midka uu ka soo jeedona ku dhahoo?
Yaa ah waddaniga xaqa u leh inuu dowladnimada dheefsado oo helo cashuurta uu bixiyey waxqabadkeeda ma ka aan bixin cashuurta ee hoteellada lagu biiliyo shaqada dowladdana la siiyo mise midka bixiyey cashuurta?
Wasiir bayle wuxuu dhaariyey bulshada muqdisho wuxuu yidhi " Ilaahay baan idinku dhaariyee cashuurta bixiya" Waa gar, isagu in ilaahayga uu ku dhaartay labada jeer isaga oo xildhibaan ah iyo isaga oo wasiir ah, ma ku celiyey dadka cashuurtii uu ka qaaday, waxse mawgu qabtay?
Markaan ku leeyahay wax mawgu qabtay wuxuu sheegay in mushahar la bixiyo oo qoysas Soomaaliyeed laga biilo lacagta cashuurta, Waayo qoysaskaasi ma kuwii bixiyey cashuurtaa mise waa kuwo laga keenay gobollada kale ee dalka?
1.Muqdisho wasaaradda maaliyadu maka hireglisay mashaariic horumarineed oo waxgal ah?
2. Muqdisho maka jiraa dugsiyo waxbarasho oo wasaaradda maaliyadu maalgeliso?
3. Muqdisho maka jiraa isbitaal iyo xarun caafimaad oo wasaaradda maaliyadu maalgeliso?
4. Muqdisho maka jiraa bilcin iyo nadaafad jidadka ah oo wasaaradda maaliyadu miisaaniyad u sameysay oo maalgeliso?
5. Muqdisho maka jiraa amni iyo nabadgelyo wasaaradda maaliyadu maalgelisay?
Bayle waa baanay waana hanjabay, ma tahay mid uu gar u leeyahay isaga oo aan intii gar loogu lahaa qaban?
Haddii maanta bulshada Muqdisho intey isku soo baxaan dhihi lahaayeen Bayloow cashuur bixin mayno, waayo gobolkaagana kama keentid, wasaaradaada kama shaqeyno meel kale iska daaya, waxna nalooguma qabto cashuurta, saw kuwo badan oo Soomaali ahi may dhaheen reer Muqdisho waa dowlad diid?
Bulshada Muqdisho waa kuwa keliya ee xaqa u leh wixii magac dowladeed ku yimaada iyo in dib loogu soo celiyo cashuurta laga qaado, Gobollada kale dekaddo iyo Garoomaba waa ku yaalaan ganacsato iyo suuqyana waa ku yaalaan maxaa diidaya in la mideeyo cashuurta dalka? Waxaab maqli jirey halbaa geela cuntoo cabaada, hadda Bayle markii juuq loo odhan waayey isagaaba jallaadaya.
Maxaa diidaya in gobol walba dib loogu celiyo sida ku xusan dastuurka 70% inta soo hartay ee 30% ahna dowladda Federaalku adeegsato oo qaadato?
DULMI XAMAR KU SIMANAA JIREE, DUQA HALOO SHEEGO? Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil.
Bayloow mudane , inta aadan bulshada u dhaaran adigu dhaaro.inta aadan wax xisaabin adigu is xisaabi.
Inta aadan cashuur dalbine sheeg tii hore meeshay ku baxday!!!!
Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0 Comments