Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Reer Koonfur ‘Lax Dhukan Col Iyo Abaar Moog’.

Garoowe oo qofkii aan Ciise Riyoole ahayn looga yaqaan (Jarjar) kuwii shalay lahaa waa magaalo loo siman yahay maanta iyaga shallaay jooga ‘Inkastoo durdur iyo dabbaal galo Doofaar abidkii ma daahiro’.


Ilowsha dhowaa ma umulbaa!.

Kama carroon; madax dhalo ka xiirkii dadka koonfurta Soomaaliya, tarxiilkii reer Koonfur Galbeed, kufsigii hablaha yaryar ee kaamamka qaxootiga ku jira iyo bad ku guriddii tahriibayaasha, balse waxay ka carroodeen in hadal looga diiddo madashii is caleema saarka horjooge Deni, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Bad-Liqe) oo ku hayba.

‘Mar i dage allaha dago, labo mar idagase anaa isu dagay’.


Horjooge Deni iyo Puntland oo qabyaaladdu dastuur tahay haddaad lahaydeen waa maamul horumar sameeyey, idiinkoo iska indho tiraya dhibaatooyinkii maamulka Puntland loogu gaysan jiray dadka Koonfurta Soomaaliya ka soo jeeda, maanta inaad af labadiis yeerteen idiinma bannaana.

Si kastoo siyaasiyiintiina loo bahdilo, kuwoodana looga dhigo halyeeyo,
si kastoo khalad dhacay soddon sanno ka hor looga dhigo masiibo, wixii ka dambeeyana indhaha looga qabsado,
si kastoo odayaasha koonfurta bahalo duggaaga looga dhigo, kuwoodana loo karaameeyo,
si kastoo madaxda reer Koonfureed tuugo wax ma garada looga dhigo, kuwoo
dana haldoor, cid kale ceebahaa looma qabsanaayo ee waa waxaad idiinka is gaarsiiseen.

Hagardaamada, qabyaaladda, nacaybka iyo kala qoqobku waa waxay caan ku tahay Puntland haddaana ma billaaban, ee bal idiinku hal af yeesha, ha toban wejiileynine.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement