Magaalada Garoowe waxaa beri lagu ballansan yahay munaasibada is caleema saarka horjoogaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa munaasibada is caleema saarkiisa kasoo qaybgelaaya madaxyo wayn
kala duwan oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya.
Horjooge Deni ayaa ballanqaaday markuu xilka qabtay wax ka qabashada musuqmaasuqa baahsan ee deegaannada Puntland la degay iyo weliba inaan la billiliqaysan doonin hantida dadwaynaha.
Balse hadalka Deni ayaa u muuqda mid aan waxba ka duwanayn beenahii horjoogayaashii isaga ka horreeyey ay ku caan baxeen.
Masuuliyiinta ka soo qaybgashay is caleema saarka horjooge Deni; mid kastaa wuxuu ku imaanaya diyaarad, waxaana la socda wafdi ugu yaraan ka koobban boqol ruux, haddiiba aan iraahno iyaga iska bixinaaya kharashaadka diyaaraddaha iyo soo ambabaxoodii ku baxay, tollow hudheelada qaaliga ah, gawaadhida, gabdhaha mashxaradaaya iyo lacagaha ilaaladooda iyagana ma iyaga iska bixinaaya?. Bal Adba?!.
Intaan oggahay shaqaalaha iyo ciidamada maamulka Puntland in muddo ah ma helin mushaharaadkii iyo gunnooyinkoodii, haddaba horjooge Deni ma wuxuu doonayaa inuu yiraahdo: mashxarad maalayiin lagu bixiyo waan hayaa balse mushaharka shaqaalaha iyo ciidankayga ma hayo?.
Tan iyo markii la asaasay maamulka Puntland ma helin masuul ka fekera danta dadkiisa, ee waxaa keliyoo madax ka noqonayaayay deegaannada calooshood u shaqaystayaal Deni u darran yahay.

0 Comments