Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Rajo Burburkii Shacbiga Puntland... Deni Iyo Dibin-Daabyo.

Shaki la'aan maamulka Puntland waa ku fashilmay doorasho xor iyo caddaalad ah oo ku saleeysan dowladnimo ku dhisan ogolaansho shacab'
Legitimacy', balse waxaa mar kastoo shan sanno dhammaato halkaasi ka dhaca doorasho qabiileed ku dhisan qaab boqortooyo, taasoo 66 lixdan iyo lix xildhibaan codka leeyihiin.










Mugdi iyo rajo xumo ayaa mar kale maamulka Puntland cagta saaray.


Umushii in badan la suugayay waxay dhali doontaa, waxay maanta foolatay horjooge Siciid Cabdullaahi Deni 'Dibin-Daabyo' isagoo xilka kala wareegaya horjooge Cabdiwali Gaas oo soo boobbaayay deegaannada shantii sanno ee la soo dhaafay. 

Haddii si kale aan u dhahno, waxay Puntland soo dhaafi la'dahay xayndaabka xeradii lagu asaasay, waxaana qabiilka Maxamuud Saleebaan iyadoo aan tirakoob shacab la gaarin sheegteen majority ama kuwa xaqa u leh keligood xukunka iyo awoodda maamulka Puntland. Soomaalidu waxay tiraahda 'ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa' waa tan maanta Puntland ka taagan, xaalkuna waaba kan noqday Cumar Maxamuud ka qaad Oo Cusmaan Maxamuud u dhiib, Ciisana ha sugo. 

Laga soo billaabo 1998-dii Puntland waxay soo dhaafi la'adahay reerkii xukunkeeda lagu billaabay, waxaana burbur iyo kala qaybsanaan ku timid beelahii iyo deegaannadii ku middoobay maamulka.

Haddii lagu billaabay Puntland 5 shan gobol iyo degmada Buuhoodle, maanta waxay ku soo ururtay labo gobol iyo bar, Bari (Nugaal iyo Waqooyiga Mudug). 

Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay : Haddii Faroole (Afwaliinjo) lagu xasuusto carruurtiisi la taliyeyaasha iyo hay'addahii dhaqaalaha siday doonnaan u maamulaayay, magcaabida iyo shaqo gelinta cid kastoo qabiilka Ciise Maxamuud ku abtirsata, Cabdiwali Gaasna aan ku xasuusano iibkii dekedda Boosaaso, qandaraasyo la billiliqaysto, kan maanta la doortana Siciid Cabdullaahi Deni waa kala mid raggii ka horreeyey billiliqada iyo qabyaaladda weliba iyadoo dharka dhigatay, balse waxaa keliyoo u labadii ka horreeyey dheer yahay waa figrad argagaxiso iyo ururo diimeedyo inuuba qayb ka yahay. 

Soomaalidu waxay tiraahda hadduu malag dhawaaqayo miidaamo dhago maleh, kooxdan xukunka keligood qaybsaday kor illaa hoos waxay aaminsan yihiin in sidaan shacabiga Puntland si ahaanaayo, qori isu dhiibka Cumar, Cismaan Iyo Ciise Maxamuudna caddaaladu tahay. 



Yusufcali@hotmail.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement