Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Keligii Taliye Ciilan Loogama Baahna Soomaaliya

Sharraxaad ka bixi wixii Baydhabo ka dhacay oo dil, xabsi iyo cabburin shacab isugu jiray, jawaabteedu ma waxay noqotay dalka anniga leh , cayrin ergeygii
qaramada midoobay iyo weliba madaafiic lagu garaaco xafiiska UN-ka ee caasimadda.

Dunida waxaa masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta dastuurka iyo qawaaniinta xaquuqda aadamaha ee dowladda Soomaaliya ku tumanayso, sidoo kale cirib tirka kooxaha qaswadayaasha ah ee waddanka ka hawlgala.

Farmaanjo lagama aqbalayo cabburin iyo kelitalisnimo, duniduna maanta uma baahna nidaam kelitalis ah.

Kooxda ciilan ee u Farmaanjo horjoogaha u yahay waxaa la gudboon inay dhowraan sharciga iyo kala dambaynta.

Duniduna waa inaysan shacbiga Soomaalida ku fiirsan cagajuglayn, xabsi iyo dilalka badheedhka ah ee maamulka Farmaanjo ku kacaayo.


Weerarka lagu qaaday xurunta UN-ka ee Muqdisho waan cambaarayn, waa ficil argagaxiso oo khatartiisa leh, dowladda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay faahfaahin iyo kuwii ka dambeeyey oo sharciga la horkeenno.

YusufAliAdan.InFo

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement