Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Puntland meesha aan haweenka looga aqoon dad meteli karaa qabiilkooda.

Tan iyo markii la asaasay maamul gobolleedka Puntland 1998-dii waxaa gollaha wakiilada ee maamulka ka mid noqday 14 haween ah.

1998, 5 shan haween ah
ayaa ka mid noqday gollaha wakiilada Puntland, gobol kastana (Bari, Sanaag, Sool, Mudug & Nugaal) hal xubin ayaa haween ka ahayd.

2005, 4 afar xubnood ayaa ka mid noqday baarlamaanka Puntland. Bari (Saynab Ugaas Yaasiin) Mudug (Caasho Geelle) Sanaag (Jookho Geelle) Sool (Jawaahir Axmed Maxamuud).

2009, Labo xubnood ayaa ka mid noqday gollaha, kuwaasoo kala ahaa: Siciida Geelle Diiriye (Mudug) iyo Jookho Geelle Faarax (Sanaag).

2014, Sidoo kale labo xubnood ayaa gollaha soo galay kuwaasoo kala ahaa: Raxma Cabdixabiib Jaamac (Mudug) iyo Farax Caydiid Cosoowe (Sool).

2019, hal xubin ayaa soo gashay gollaha waana Nimco Caarshe oo ka socota gobolka Sool.

Marka laga yimaado aaminka odayaasha Puntland ee ah inaysan haweeneey reerka meteli karin, ceeb iyo weji xummana ay la kulmaan reerkii kursigooda haweeneey ku fadhida, waxaa kale oo deegaannada caadi ka ah kufsiga, faraxumeynta iyo tacdiga haweeenka lagula kaco.

Intaas marka laga yimaado, haweenka Puntland waxay qayb weyn ka yihiin dib u heshiisinta, nabadda iyo horumarka deegaankaasi, waana haween shaqaysta oo raggoodu inta badan guryaha fadhiyaan.


YusufAliAdan.INFO


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement