Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Puntland Ma Ka Baxaysaa Qori Isku Tuurka Maxamuud Saleebaan.

Mar kastoo siyaasiyiinta Maxamuud Saleebaan la waydiiyo sababta keligood ku koobta tartamada madaxtinnimada deegaannada Puntland waxay ku doodi jireen in keligood soo doontaan jagada madaxtinnimada
maamulka gobolleedka Puntland, beelaha kale ee deggan Puntlana aysan diyaar u ahayn hoggaaminta deegaanka, balse sannadka markii lala soo galay baratanka af labadiis waa kuwaan yeerayy,
Qaaqlayaasha Maxamuud Saleebaan/Majeerteen waxay ku leeyihiin hadduu qof reer Sool/Sanaag ama si kale haddii aan u dhigno Duulbaahante ama Warsengeli ah madaxtinnimada Puntland isku soo taago amaba soo hawaysto waxaa laga soo diray Hargeysa ama si kale haddaan u dhigno; Isaaqbaa soo dirsaday, hadday yiraahdaan Isaaq ama Somaliland ayaan wax la qaybsaynaana waxay leeyihiin tolbaan nahay iyo Hartibaan waddaagnaa oo meel nagama aadaysaan.
Sidaas oo kale cid kastoo oo aan saddexda Maxamuud ahayn waxaa loo soo diray burburinta Puntland (sida inay Puntland Maxamuud Saleebaan/Majeerteen keliyi ku nool yihiin), shisheeye ama caddowbaana soo dirsaday.
Doorashada 2019 waa mid daaha ka qaadaysa wejiga dhabta ah ee Puntland, xero Maxamuud Saleebaan (Cumar/Cusmaan/Ciise) isku kala beddelaan mise maamul la waddaago oo ka dhaxeeya dadka deggan shanta gobol (Bari, Sanaag, Sool, Nugaal, Mudug) iyo degmada Buuhoodle.

Haddii isbedel ku imaan waayo doorashada Puntland, sideedii hore ee qori isku tuurkana ku sii socoto waxay soo afjaraysaa isjiid-jiidka muddada dheer ka taagna gobollada Sool iyo Sanaag, sidoo kale qaar ka mid ah beelaha gobollada Mudug iyo Bari oo aayahooda ka tashada meesha lagama saari karo. 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement