Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Doorasho Mise Kala Sugid?

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Qarjab ayaa shalay warsaxaafaddeed u soo saaray kaga digay farogelin dowladda Soomaaliya ku samayso doorashada maamul gobolleedka Puntland ee lagu wado inay Garoowe ka dhacdo 8 bisha January ee inagu soo fool leh.



Dowladda Soomaaliya ee u hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa arogelin qaawan hore ugu samaysay doorashadii maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ee 19 bishan ka dhacday magaalada Baydhabo, taasoo madaxweyne loogu doortay Lafta-Gareen oo hore uga mid ahaa xukuumadda Soomaaliya, warsaxaafaddeedka Puntland ayaana u muuqday mid ka digaaya doorasho taasoo kale ah inay ka dhacdo deegaannada Puntland.

Haddaba wax ma ka jiraan cabsida wasiirka amniga Puntland muujiyay mise waa hadal tiro?.


Xaqiiqada markii loo laabto,  wuxuu u muuqda hadalka wasiirku mid lagu sii xalaalaysan inuu sii socdo qori isku dhiibka saddexda Maxamuud ee Puntland ka jiray tan iyo markii la asaasay 1998-dii.

Waxaa muuqata in doorashada soo socota waxba aysan ka duwaneyn kuwii hore uga dhici jiray deegaannada Puntland, 66-dii Xildhibaan ee caanka ahaa ayaa dooranaaya horjoogaha cusub, waxaana sidii caaddada ahayd laga soo xulayaa horjoogaha cusub musharaxxiinta qabiilka Cusmaan Maxamuud oo ka badan labbaatameeyo.

Sidaas darteed wasiir Qarjab si u muujiyo in doorashada Puntland ka jirtaa tahay mid loolan adag loogu jiro, beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ugu iibiyo qori isku dhiibka Puntland wuxuu ku khasban yahay inuu dowladda Soomalaiya ku eedeyo inay farogelin ku hayso doorashada Puntland.


Runtu'se waa inay caddaalada darradii iyo dulmigii deegaannadaasi caanka ku ahayeen halkoodii ka sii socon doonnaan, inay halkii hore ka sii siyaadaan maahee aysan waxba ka nusqaami doonin.

Himilada iyo rajada shacabka Puntland qabeen ee ahayd in doorasho xor oo xalaal ahi dhacdana waa mid cirkay isku sii shareeeraysa. 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement