Dowlad iyo maamul kasta oo dalka ka jiraa wuxuu heshiisyo kula jiraa shirkado kalluumaysi, heshiisyada lagu jiro shirkaddaha shisheeye waxaa ugu dambeeyey kan dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda Shiinaha laga leeyahay.
Nin walbow waddaanta darso ayay noqotay baddii Soomaaliya, halkii looga faa’iideyn lahaa shacabka Soomaaliyeedna waxaa la billiliqaysan khayraadkooda iyadoo koox kastaa dhankeeda heshiis gaara galayso, intaasina ay dheer yihiin maraakiibta iyo shirkaddaha sida sharci darrada ah uga kalluumaysta ee aan la ogeyn madama aysan jirin ciidammo Soomaaliyeed oo baddeena ilaaliya, halka Itoobbiya oo aan bad lahayni dhisayso ciidan baddeed.
Heshiisyada qolo kastaa dhankeeda saxiixayso ayaa dhibaato sidoo kale ku ah kalluumaysatadii Soomaalida.
Baarlamaan la horkeenno heshiisyada dowladda ama maamullada waddanku saxiixana ma jiro, shacab ku barraarugsan xaalufka baddeed ama deegaan ee dalka ka socdana ma jiro, taasi beddelkeeda waxaa lagu mashquulsan yahay qabyaalad iyo danayste jeebkiisa u cararaaya xigsashadii.
Maaha markii ugu horreeysay ee dowladda Soomaaliya shirkado kalluumaysi heshiis la gasho, iyadoo sidoo kalena xil la iska saarin heshiisyada khasaaro iyo faa’iido waxaa ka dhalan doonna.
0 Comments