Masuuliyiin kala duwan ayaa laga keenay mooshin, qaarkood waa ka badbaadeen kadib markay gar-baxeen, halka kuwa kalena xilalkooodii ku waayeen, waxaa ugu dambeeyey
guddoomiyahii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari.
guddoomiyahii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari.
Waxaan sidoo kale ognahay in mooshin laga keenay madaxwaynahii Farmaajo ka horreeyey mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo weliba xubno kala duwan oo dowladdiisi ka tirsanaa.
Waxaa la yaab leh in la yiraahdo Farmaajo ama masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya ee xilligan mooshin lagama keenni karo, haddaba waa su'aale: sidee masuuliyiinta Soomaaliyeed ku doonayaan in lagula xisaabtamo?.
Waxaan ognahay tan iyo markii la doortay Farmaajo inaan wax su'aalo ah baarlamaanku waydiin, sidoo kale uusan soo hor istaagin kana hadlin arrimo badan oo shacabka iyo xubnaha gollaha baarlamaankuba u baahnayeen in la kala caddeeyo.
Tan iyo markuu Farmaajo xilka qabtay siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed xabsi ayaa loo taxxaabay, kuwa dalka laga musaafuriyay, halka qaar dowladda ka tirsana ama madax ka ahaa maamul gobolleedyada xilalkoodii laga qaaday.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo aqbalay mooshinkii Farmaajo laga keenay xabsi guri ayaa la geliyay waxaana loo diidday inay booqdaan xubnaha baarlamaanku, arrintaasi oo u muuqata afgembi iyo ku tagrifal awooddeed.
Waxaad moodda in dowladnimadii billowga ahayd ee Soomaaliya god mugdi ah lagu tuurayo, kooxda xilligan dalka maamushana aysan masuuliyad iska saarayn waddanka, waxbana kala socon wixii la soo maray iyo sida halkaan lagu soo gaarsiyay dalka.
0 Comments