Dowladda u hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaanjo ee dalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid ay la soo deristay caddaadis aad u sarreeya oo uga iman dowladda Sucuudiga oo doonaaysa inay xidhiidhka u jarto dowladda ay colka noqdeen ee Qadtar.
Sucuudiga: Waa dalkii koowaad ee marti qaaday madaxweynaha, waxayna jeebka u geliyeen dhaqaale aad u badan iyagoo weliba u sameeyey ballanqaadyo waawayn. waana dal Soomaalida iyo muslimiin badan oo Sunni ah tusaale diimeed u ah.
Imaaratka Carabta: Farmaanjo wuxuu booqday Imaaratka inkastoo uusan faahfaahin ka bixin safarkaasi, haddana siduu sheegay ku xigeenka horjoogaha Puntland Cameey waxay dowladda Soomaaliya la gashay Imaaratka heshiisyo lagu ballaarin dekeddaha Berbera iyo Boosaaso iyo weliba saldhig mulatari oo isu tagga Imaaratka Carabtu ka dhisanaayo magaalada Berbera. sidoo kale Imaaratka ayaa ah dal ay Soomaalidu ku tiirsan tahay dhinaca ganacsiga.
Turkiga: Waaa Saaxiibka dadwaynaha magaalada Muqdisho, waqti adagna u soo gurmaday sida ay aaminsan yihiin, sidoo kale wuxuu safaarad wayn oo xeebta ku taalla ku leeyahay magaalada Muqdisho.
Boqolaal arday, saraakiil ciidan iyo weliba gurmad caafimaad ayuu u sameeyey dadka Soomaaliyeed.
Boqolaal arday, saraakiil ciidan iyo weliba gurmad caafimaad ayuu u sameeyey dadka Soomaaliyeed.
Qadtar: Dalkan yar ee hodonka ah kuna yaalla KHaliijku wuxuu dhaqaale badan ku bixiyay doorashadii madaxweyne Farmaanjo, waxaana u hadda wodda wadahadallo dhexmara dowladda Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab.
Sucuudigu wuxuu doonaaya in dowladda Soomaaliya xidhiidhka u jarto dowladda Qadtar, sidoo kale Farmaanjo ayaa haysta dhalashada Maraykanka oo isaguna madaxweynahiisu Qadtar ku tilmaamay dal magangeliya argagaxisada. Turkiga iyo Qadtar ayaa iyaguna ah saaxiibo Soomaalidu leedahay Farmaanjona u hiiliyay waqti uu u baahna hiilo.
Haddii xidhiidhka loo jaro Qadtar, Sucuudigu wuxuu dowladda Soomaaliya siin doona dhaqaale, sidoo kale wuxuu fasixi doona xoolaha Soomaalida oo xayiraad saaran tahay, waxaana la shaqaalaysiin doonna boqolaal gabdhood oo Soomaaliya kuwaas oo u diyaara inay Sucuudiga u ambabaxaan.
Dhanka dowladda Qadtar iyadu waxay sheegaysa inaysan cidna ka aargoonnayn kuna daysan doonin, Turkigu isagu lama ogsoona inkastuu saamayn xooggan ku leeyahay Soomaaliya xidhiidh adagna la leeyahay shacabka Muqdisho.
0 Comments