Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Saudi Arabia‬ Maxad u cayday, Sow ma ogid in Nebigu ka dhashay???

Salaan diirran kaddib, Walal Nebigeeni Suubbana Muxamed Naxariista Iyo Nabadgelyo korkiisa eebe ha yeele waxa laga soo dhexsaaray
dadkii degana Xijaas الحجاز, Dabcaan xilligan dhulkaasi wuxuu ku jira sucuudiga carabta waa run balse dadkii dhulkaasi degana waqtigii xabiibkeenu waa kuwa laga cayrsaday ama u kala qaxay dunida dacaladeeda Intaa badan waxaa la sheega in Qureysh oo ah qoyska Nebigeena suubban dad ka soo jeeda ama ku abtirsada ay ku nool yahiin dalka Urdun المملكة الأردنية الهاشمية xiita dalal kale sidaa Marroco, Somalia Ama Ethiopia I.w.m waa lagu sheega dadka Qureysh ku abtirsada oo ah qoyskii Xabiibkeena...
Boqorada dalkaasi Sucuudiga ka taliya waa kuwa asal ahan ka yimid sidaa taariikhdu sheegto Turkey oo xiita kuwii dalka sucuudiga heysan jiray ee hore waa kuwa maanta jooga Kuwait Iwm kaddib markii laga cayriyey
Sucuudiga Iyo Islaamka
Diinta Islaamka ma aha mid u gaar ah dalka ama dadka sucuudiga ee diinta islaamku waa mid loo soo diray dunida oo dhan waana raxmad iyo naxariis dunida eebe ugu deeqay, Meel gaar ahna diinta looma nisbeyn karo Dhulkii Xabashiida رحلة الحبشة waa halkaa soo dhoweysay Asxaabtii Nebiga iyadoo laga soo cayriyey dhulka Xijaas maanta loo yaqan ama Makkah...
Diinta Islaamku ma aha mid ku kooban deegaan ama dhul gaar ah, Hadii aad ku koobto hal wadan islaamka ogow taasi waa sanam caabudid toos ah mana aha wax quman...
Islaamku waa diin ay u siman yahiin dadka oo idil qof ka sarreeya mid kalena ma jiro, Dhammaan dadku waa addoomo ama adeegayaal eebe
Fikirka qaldan e Soomaalida qaar ka dhaadhacsan ee ah in sucuudigu uga dhow yahay diinta ama in qofka sucuudiga jooga u ka xigo kan kale diinta waa qalad weyn ayaan dhihi kara oo aan meelna kaga qorneen islaamka
Aqalada Eebe iyo booqashadooda
Makkah iyo Madiina oo ah gooba barakeysan waa kuwa eebe qofka ku waajib yeelay booqashadooda hadii u awoodo ayaa laftigeeda ku xiran, ogow sucuudiga dhulkaaasi ma leh mana aha kuwa u marti ah dalkaasi ee waa dhul eebe oo xurmad leh
Taageerada Sucuudiga
Intaa badan wahaabiyiintu waa kuwa xalaal uga dhiga dadka caamada iyo masakiinta ah in sucuudiga la taageero oo khasab iyo daliilo been ah ayee u adeegsadan balse xukumada meesha ka jirta waa burcad iyo kuwa alle ka foog oo ah alle ka dheerayaal; marna ma aha kuwa diin logu nasab tirin karo
Sucuudiga iyo xaquuqda Aadanaha
Basharka Illaahay Karamada iyo wanaaga huwiyey sucuudigu waa mid bahdila, dadka iyo dowladda sucuudiguna waa kuwa bahdil iyo quursi la daba jooga dadka masakiinta ah ee qaarkood dalkooda magangelyada iyo nabada u soo raadsadeen.... Waxad arkin intaa badan nin sucuudi oo dilaya gabar u shaqeysa ama nin sucuudi oo kufsan gabadh masakiin oo khadamad u ah ama nin sucuudiya oo bahdilaya teksiile ama ruux miskiina oo u shaqeya ficilada nooca ahna waa kuwa ka dheer xuquuqda iyo xaqa aadmiga
Sucuudigu marna ma dhihi karo waa wadan wax lagu taageero leh, Aqalada barakeysan ee eebe iyagu xushmad mudan.

Ugu dambeyn, Hadii dowladda Sucuudiga wax laga sheego ma aha in Nebigeena Sharafta badan Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaate wax laga sheegay, balse waxa wax laga sheegay xukumad dulmi ku dhisan iyo dad u hiiliya cadaalad xumida kuwaas oo aan ka xishoon bahdilka Ibnu Aadamka.

Yusufcali@outlook.com

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement