Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Jinigii Joocaar iyo Naagtii Kibista dubi jirtay

Magaceedu waa Xasilo waxay Kibis ku dubi jirtay xeebta mareero, waxaana ka cuni jiray baxaarida ka shaqeysta badda...
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa jin lagu magacaabo Joocaar iskaga soo dhigay insi isagoo Kibis badan ka deyn qaatay, wuuna ku jiray oo lacagtii uma keenin, asbuuc markii u ka maqna oo weli ay lacagtii ku leedahay ayaa maalin dambe waxay ku qabatay agagaarka dekedda Bosaso isagoo lugeynayaa waxana dhexmaray dagaal culus
Waxaa dagaalkooda ku soo xoomay dad badan oo kala qabtay waxa gabadhii u hiiliyey nin macmiishada ka mid aha oo lagu magacaabi jiray Canburo oo caan ka aha xeebta magaalada Bosaso Barisamaadkii
Dagaal labada dhinac ah kaddib waxaa g artii raacday jinkii oo lagu xukumay wixii dhacay iyo kisbihii lacagtooda inu bixiyo, lakiin jinka ehelkiisa ayaa ga rtii diiday oo yiri beesha gabadha ayaa garta naqday sidaa darteed kuma qanacsaniin
Dagaalkii ayaa si labo qarxay labada dhinac waxa habeen kasta dagaal ku dhexmari jiray xeebta bosaso, Dagaalka lama oga cid u dhaxmarayo ciidamada dowladii xilligaasi jirtay waa ku wareereen dagaalkan
Markii xal loo waayay ayaa Xamar laga soo diray Guuto Aj-Aj ah lakiin guutadii waxaa macsuumay jinkii oo lsiyey lacago dinaar ah oo laluush ah iyo cunto macaan badan
Taliyaha ciidanka xamar laga soo diray oo la odhan jiray ''Shan Daqiiqo'' caana ku aha laluusha iyo is-dabamarinta ayaa xabsiga u taxaabay gabadhii iyo reerkeedii... waxana halkaasi ku badbaaday Jinigii Joocaar la odhan jiray ee gabadha xaqeeda cunay.



Yusufcali@outlook.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement