Dagaalka dhanka Siyaasada ee SaudiArabia Iyo Sweden maxaa geliyey Somalia ''Faruurow, Maxaa Berbera ku geeyey? Faduul!'' Bal maxaa Soomaaliya ka galay Sucuudiga
, Sow Sucuudigu ma aha kan dadkeena maalin kasta dila, bahdila, tarxiila, jarjara jirkooda dhibaatada u sucuudigu inoo geystay marna dalalka Yurub ama Sweden kalama kulmin, Soomaalidu waa kuwa ku sharaf leh dalka Sweden xiita baarlamaanka wadanka iyo golayaasha xukumada ku jira maxaan ka nahay Sucuudiga aan ka aheyn Addoomahii Xabashida ee waqtigiii Muxamed la iibsan jiray oo kale!!!!
Bal sucuudi maxan wadagaana...Diinta Islaamka xiita ma odhan karo waayo diinta sucuudiga laga heysta waa mid dulmisa ajnabiga iyo dadka aan dhulka awooda ku laheyn balse aan taaban dadka awooda leh iyo kuwa dalkaasi u dhashay...
Marna Sweden kuma dooran karo dal carbeed ama mid islaam xiita waayo sweden waa dal Soomaalida wanaajiyey sharaf iyo karaamo ku leeyahiin dadkeenuna aysan ku bahdilneen balse lacago iyo nolol halkaasi waa kuwa ka helay... Dowladda Sweden waa in raaligelin degdeg ah dowladda wadankeenu siisa.
Waana in la cambaareya ficilada xun xun iyo dhaqamada gurrucan ee dowladda sucuudigu kula dhaqanto dadka masakiinta ah waana in laga dhiidhiya ficilada xaquuqda Aadamaha ku lidiga ah ee sucuudigu ku dhaqmin.
Sucuudigu waa inu joojiya ficilada wuxuushnimada ah ee u suubin, cod dheer waa inaan ku dhahna sidaasi oo aan taageera xaquuqda Aadmiga iyo masakiinta madama oo diinta islaamku marna ogoleyn dulmiga tahana diin raxmad iyo naxariis waa in laga soo horjeesta mid kasta oo ficil xun suubin sucuudiguna u horreeyo ,,,
War Soomaalidu ilowsho dhowa, sucuudigu sow ma aha kan maalin kasta dadkeena nolosha iyo nabad u raadsaday wadanka dib ugu soo celin dalka, sow ma aha kan gabdhaheena jirkooda xiita intaa u jarjaray bacmadowga ku xiray? war sucuudigu sow ma aha kan maalin kasta dadka masakiinta Soomaaliyeed dhibta logu geysto hantida kuwa ku lehna lagu dhaco, waa inaad ogataan wadanka u wanaasgan soomaaliya iyo kan u xun. kan u gargaarin dadka Soomaaliyeed iyo kan hagardamin dadka Soomaaliyeed.
Yusufcali@outlook.com
0 Comments