Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

(Labada walxood ee ay Qabyaaladda & Basasha isaga egyihiin) By Adam Hussein



Haddii aad ka mid tahay dadk aadka u jecel Basasha, u jeedadeyda ma ahan in aan ku nacsiiyo cunitaanka qudraddan faaidada badan, waayo aniga laf ahaantay aad ayan u jeclahay.


Hayeeshee ujeedada aan ka leeyahay qormada waxa ay tahay oo kaliya hoga tusaalleyn.

Suuna ayaa laga wariyay inuu yiri" من أكل ثوما أو بصلا, فلا يقربن مسجدنا"Ninkii Basal soo cuna Masaajidka yuusan inagula soo tukan(qardhmuunkeeda dartiis)" si taa la mid ah ayuu Qabyaaladda ka yiri" دعوها فانها منتنة"Iska daaya Qabyaaladda waa Qadhmuune" saw isuma eka hadaba? hagaag, intaa oo kaliya ma ahan, ee waxaa ka sii yaab badan wali ma u fiirsatay hab sameyska Basasha, saw ma ahan xuub/qalfoof isugu silleysan sidii garaanti oo haddii mid aad qaaddo uu mid kale oo isagii u eg ku hoos laabanyahay. sidaa ayayna ku sii socon ilaa aad ka gaadho salka ugu danbeeyo, si la mid aha taa , Qabyaaladda bal dib u milicso oo ila eeg tusalahaan

Reer Qurac>Reer Laamo,Abaq iyo Iniinyow -Reer Dhud- Ilmo Jirrid ree Xiddidh..Iwm  hagaag maxaa kuu baxay? waxaa hubaal ah in  xuubka qabyaaladdu u egyahay sida xuubka basasha waa tixane ilaa sal iyo baar meel uu ku joogsadaayi aanan lahayn ilaa wiil iyo aabihii, sidaa ayayna marnaba caddaalada uga dhalan karin nidaamka qabyaaladda, Haddii aad ree Abaq tahay Ilmo Jirrid iyo adiga col xiira xiira ah ayaad tihiin maadaamo aad kala sikateen, lakiin markii ay Reer Qurac iyo reer Qansax is qardoofaan adiga iyo Ilma jirrid walaalo ayaa tihiin? 

Halkaan aan kuugu dhaafo arrin muhiim ah, waa xeerka amba Qaacidda Qabyaaladda:
I and my clan against the world " aniga iyo Tolkey dunida oo idil ka adag"
I and my brother against the clan " Aniga iyo walalkey ree Tolkeen ka adag"                                        I against my brother                       "Anigu walaalkey ka adki"

انا واخي على ابن عمي وانا وابن عمي على الغريب
aniga iyo walaalkey ka adag ina adeerkay
aniga iyo ina adeerkay ka adag shisheeye"

ugu danbeyn, waxaan donayaain aan idiin kala saaro laba arrimood , waa qabiilka iyo qabyaaladda:

qabiilku: waxa uu ka dhigan yahay dad isir iyo abtir wadaag ah iskuna haybsada isirkaa waana sida uu Eebe inoogu sheegay qur'an ka ee ah "In aad isku garataan " iyo is haybsi.
Qabyaaladdu: waa is bahaysi ku dhisan duullan iyo takoorid, heybsooc kuwa kale iyo cudud ku maquuninta kuwa kaa itaal daran.

ِAdam Hussein.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement