Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Nolosha Iyo Sharciga Puntland

Guri ku bilowda xaaran kuma dhamaado xalaal, Hal xaaran ahina ma dhasho nirig xalaal ah ayaa Soomaalidu ku maahmaahda, Maamulka Puntland wuxuu ku bilowday xaaran 17 sano wax isbedel ah kama dhicin oo weli xaarantii ayuu ku socda

Saddexda tiir ee aasaska maamulka waa kuwa keliya u taagan xaqdarro marnana aan laga fileyn cadaalad
Awoodda Sharcidejinta (Legislative Power) Sida aan ka dheregsan nahay, Barlamaanka Puntland laguma sheegi Gole Shacab, waayo ma aha mid xildhibaanadiisa ay soo doorteen dadka deegaanku, hase yeeshee waa mida ay soo xuleen odayaal qabiil kuna yimid rabitaan Siyaasi ama oday kaabo qabiil ah, sidaas darteed waa gole qabiil balse ma aha gole shacab.
Hay’adaha Garsoorka (Judicial Power) Ma aha mid ku dhisan caddaalad iyo sinnaan ee waxaa fara maroogsaday intii u oomanayd inay si xaqdarro wax u maamulan, waxana gacanta sarre ku haya hay'adda garsoor ee Puntland hal qoys sidaa Madaxtooyada iyo baarlamaanka hal qabiil ugu badan yahay iyagoon dadka kale ka tiiro iyo tayo wanaagsaneen.
Hay’adaha Fulinta (Executive Power) Golahani waa fuliye go'aanada golayaasha aan kor ku xusnay, balse taas bedelkeeda xilligan waa adeege qabiil gaar ah kolka Puntland loo fiiriyo.
Tan iyo Aasaskii Maamulka deegaanada Puntland ka jira waa mid aan soo dhaafin hal qoys, Madaxweynahu waa mid u xiran Maxamuud Saleebaan dastuurkana waxaa ku qoran qof aan Iyaga ahayn ma la dooran karo, Madaxweyne ku xigeenka maqaar saarka ah waa mid aan soo dhaafin Dhulbahaante, guddoomiyaha baarlamaanka oo isagu ah Hay'adda sharidejinta waa mid aan awood lahayn hal qoys ayaana isaga u gaar ah oo ah Warsengeli haday diidana loo joojin-maayo oo shaqsigii murashax ayaan ahay dhaha ayaa loo dooran qoys iyo qabiilna loo fiirin maayo.
Qoys aan Maxamuud Saleebaan ahayn ma hadli karo deegaanka, awoodna ma leh.
Waa kuwa neceb dulmiga kolka lagu suubiyo balse kan iyagu suubin waa mid ay ka indho-la'yahiin ama aysan argti u lahayn.
Aan ku jawaabo, muhiim ma aha qoys ama qof weliba Inu iska dhex arko siyaasada deegaanka ama u xil qabto, balse muhiimadu waa in qof weliba hela Waxbarasho, caafimaad & kala sarreeyn la'aan sharciga hortiis... Ka warran hadii sharcigu yahay mid adiga ka hiilin daalimkana u hiilin, ka warran hadii waxbarashada deeqda iyo macawimada lagugu siiyey hal oday iyo caruurtiisu isku koobto, dugsi waxbarasho deegaankaga logu tala galayna deegaabkiisi shaqsiga xafiiska jooga u leexsado, ka warran hadii caafimaadku yahay mid adigu heli karin balse kan walaalkii xukunka heysta u hadii gaas dareemo dibaddaha loola cararin adiguna aad u dhiman daawo bilaash hay'adahu u qeybin balse aan lagu ogleyn, waxan doonin dhammaan arrimahan sheekeyn iyo kuwa kaleba in si cadaalad ah loo maamulo, dalka iyo deegaankana horumar loo horseedo, qof welibana aqoon iyo hawlkarnimo u shaqo ku galo halkii u qabiil iyo qudhun wax ku heli laha. Keliya cadaalad iyo sinaan ayaa horseeda barwaaqo


Qore - Yusuf Ali Adan 
E-Mail Yusufcali@outlook.com



Dastuurka Maamul goboleedka â€ªPuntland‬
Madaxweynaha - Maxamuud Saleebaan
Madaxweyne ku xigeenka - Dhulbahante
Guddoomiyaha Baarlamaanka - Warsengeli
Wasiirka arrimaha gudaha - Dhulbahante
Wasiirka Dekeddaha - Dishiishe
Wasiirka Maaliyadda - Cali Saleebaan
Dib aan ku celiyo oo aan ku tuso cadaalada Puntland, Maamulka xilligan jira waxba ha la yaabin, dib ugu laabo Cabdiraxmaan â€ªâ€ŽFaroole‬ adigoonba eegin Odaygii Cabdullahi Yusuf â€ªâ€ŽYey‬
Beesha u ka dhashay Cabdiraxmaan Faroole ee Maxamuud Saleebaan waxaa u ka sii yahay lafta-hoose ee Ciise Maxamuud, beeshiisu waxay maamulka ku lahayd Madaxweynaha oo isagu ku fadhiyey, Wasiirka Waxbarashada, Wasiir ku xigeen, Taliyeyaasha Ciidanka booliska, Nabad sugiuda, Ciidanka Ilaalada xeebaha, Lix Agaasime guud, Afhayeenka Madaxweynaha, La taliyaha Madaxweynaha dhankas axaafada, Duqa â€ªâ€ŽGaroowe‬, Gudoomiyaha gobolka â€ª#‎Nugaal‬, Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha, Gudoomiyaha Hay'adda Masiibooyinka iyo abaaraha Iyo Xilal kale oo badan
Beesha walaalka la ah ee Cumar Maxamuud waxay heystay Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Haweenka iyo qoyska, Gudoomiyaha gobolka â€ªâ€ŽMudug‬, Duqa Degmada â€ªâ€ŽGaalkacayo‬ dhanka Puntland, Gudoomiyaha hay'adda Jidadka ee Nesha Iyo Saddex Agaasime guud
Beesha walaalka ah ee Cismaan Maxamuud iyadu waxay heystay Wasiirka Amniga, wasiirka Duurjoogta iyo dameeraha, Wasiir ku xigeen, Gudoomiyaha hay'adda Korontada, Taliye ku xigeen boolis, Gudoomiyaha gobolka â€ªKarkaar‬, Duqa magaalada â€ªâ€ŽQardho‬
Macquul waxad ii weydiin doonta magaaloyiinka sow iyagu ma degana haday madax ka noqdaan, Dabcaan waa degan yahiin balse waxaa la degan dad tiro badan, gobol ahaan ama magaaloyiin, Tusaale Mudug waxaa degan Leelkase, Reer Biciidyahan, Awrtable Iwm Dabcaan Karkaar waxa degan Dishiishe, Ugaarsaleebaan, Keskiqabe Iwm Nugaal hada tirahdo Waxaa degan Ciise Maxamuud keliya ogow Carab Saalax ayaa degan, Awrtable iyo Dhulbahante sidoo kale
Bal u fiirso, Faroole wuxuu beelaha dakhliga ugu badan soo geliya Puntland u siiyey
Tusaale
Siwaqroon waa beel Majeerteen ka mid ah balse waxay deegaan ahan iyo tiro ahan ka badan tahay beesha xukunka isku koobtay, Caluula, Baargaal ilaa Xaafuun iyaga ayaa degan waxay ka heleen Maamulkii hore ee Faroole Wasiirka Biyaha iyo Beeraha ??? Xilligan tan joogta waxa laga siiyey Wasiirka haweenka !!! bal adiguba.
Beesha Cali Jibraahiil oo Puntland soo gelisa lacag dhan 5'800'600'000 oo shillin Soomaali ah waxay xilliga iyo xilliganba ka heshay Wasiir ku xigeen.
Cadaalada quruxda badan ee deegaanka waxaad kale oo ka heli kartaa, Beesha Jambeel (Cabdi Koombe) wuxuu xilliga Faroole siiyey Agaasime waxeed!!! Yaa ii qosla, Ogow waxay soo gelisa beeshani Maamulka meesha ka jira lacag dhan 8,012,671,010 oo shillin Soomaali ah, Tan xilligan joogta waxay siisay Hal Agaasime Guud..... Waaba wanaagsan yahiin miyaa ????
Beelaha xilligaas ku dulmana welina ku dulman waxaa ka mid ah oo kale Geesaguule wuxuu helay Agaasime waxeed, Keskiqabe xilligaas Faroole wuxuu u qoondeyey Agaasime waxeed... Waa cadaalada runta ah ee dhulkaasi weli dulmiga maamulku waa mid socda ee xilligaas keliya ma aheyn
Cabdiweli Gaas isagoo ka tusaale qaadan ina adeerkiisa ayuu isaguna sidoo kale u magacaabay Wasiirka Waxbarashada nin reerkiisa ah, halkaa u wasiir ku xigeeno iyo weliba Agaasimayaal isku taxay.... kaga sii darran beesha Xukunka heysta weli waxay isku sii balaarin xafiisyada iyagoo ku isticmaalin toban weji iyagoo hal qof ah.... Bal ka warran hadii anigoo reer hebel ah aan isaga ka dhigo toban qoys oo kala duwan ????
Xukun iyo xafiis ku kooban hal qoys imisa ayuu ka socon doona deegaanada Puntland... Bal adiguba xisaabta inoo hay hada waa 17 sano
Cabdullahi Yusuf Yey aabbahi bilowga - Cumar Maxamuud
Yusuf Xaaji Nuur- Cismaan Maxamuud
Jaamac Cali Jaamac - Cismaan Maxamuud
Gen. Cadde Muuse Boqor - Cismaan Maxamuud
Cabdiramaan Faroole - Ciise Maxamuud
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas - Cumar Maxamuud


Xilka Madaxweynaha waxaa qaban kara keliya nin ka soo jeeda beesha Maxamuud Saleebaan/ â€ªâ€ŽMajeerteen‬, Ku xigeen waa inaad ka dhigataan Nin‪#Dhulbahante‬, Halka Gudoomiyaha baarlamaanka ay iska leeyahiin Beesha‪ Warsengeli‬, Wasiirka Maaliyadda Ama kan dekeddaha waa inaad siisan Beesha‪Dishiishe‬ ee â€ªâ€ŽHarti‬
Saxiixayaasha Dastuurka â€ªâ€ŽMGPL‬ Ee Rasmiga ah
Ugaas Yasiin Ugaas Cabdiraxmaan - Dishiishe/Harti
Islaan Maxamed Islaan Muuse - Maxamuud Saleebaan/Majerteen
Boqor Maxamuud Boqor Muuse - Maxamuud Saleebaan
Ismaaciil Suldaan Maxamuud Cali Shire - Warsengeli/Harti
Dhaqangalkii Heshiiska
1998 -
Madaxweynaha Puntland Cabdullahi Yusuf Yey
Madaxweyne ku xigeen Maxamed Cabdi Xaashi
Gudoomiyaha baarlamaanka Yusuf Siciid Madaxeey
2001
Madaxweynaah Puntland Jaamac Cali Jaamac
Madaxweyne ku xigeen - Axmed Maxamed Goonale
Gudoomiyaha Baarlamaanka - Axmed Guure Aadan
2005 -
Madaxweynaha MGPL Cadde Muuse Boqor
Madaxweyne ku xigeen - Xasan Daahir Afqudhac
Gudoomiyaha baarlamaanka - Axmed Cali Xaashi
2009 -
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan â€ªâ€ŽFaroole‬
Madaxweyne ku xigeen Cabdisamad Cali Shire
Gudoomiyaha baarlamaanka - *Cabdirashiid Maxamed Xirsi
Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir kolkii u beeshiisa ka dhaadhaciyey fikirka ah inaan la isku sharaxin Gudoomiye baarlamaan, waxaa halkaasi fursad ka helay Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo isagu ka soo jeeda beesha Leelkase/Tanade Daarood waxana loo doortay gudoomiye baarlamaan iyadoon murashax la tartamay uusan jirin, Dhanka madaxweynaha iyo ku Xigeenka wax isbedel ah kuma iman halkaasi.
2014 -
Madaxweyneha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali â€ªâ€ŽGaas‬
Madaxweyne ku xigeen - Cabdixakiim Cameey
Gudoomiyaha baarlamaanka Siciid Xasan Shire
Sharciga iyo Dastuurku deegaanka ka jira ma u baahan yahay isbedel ???? 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement