Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Kulankii golaha wasiirada ee Twitter-ka & Facebook caqabadda ku noqdeen (sheeko kaftan siyaasadeed huwan oo qosol leh)

Waa kulankii golaha wasiirada miis wareegsan oo ay hareeraha ka tuban yihiin kuraas qurux badan ayaa lagu wada fadhiyaa, waxaa dhulka yaal roog buluug ah oo cagtu ku raaxaysanayso
, daaqadaha qolka waxaa ku xiran daahyo si wacan loo tolay, loona sharaxay ahna kuwa qaaliga ah.
Qolka sharaxaadiisa waxaa sii dheer qaboojiyaal afar xabo gaaraya oo geesaha ka soo afuufaya qabow aan laga dareemayn cadceeda iyo kulka ka jira magaalada taasi waxay ka dhigan tahay Jaakadaha Suut-ka ah ee ay wasiiradu qabaan in la iska siibo looma baahna oo waxayba ka dugsanayaan dhaxanta qaboojiyayaasha.
Xafiiska Ra’isalwasaaraha wiilal iyo gabdho badan oo hawlo kala duwan midba uu hayo ayaa marba dhan u socda waxaa la diyaarinayaa waraaqihii ajandaha shirka golaha wasiirada, qaar ka mid ah golaha wasiirada goor hore ayay isa soo xaadireen kuwana wali way dhiman yihiin, waxaa sidoo kale la sugayaa Ra’isalwasaaraha oo isagu meel ka fogayn meesha lagu shirayo degan.
10-kii subaxnimmo markii ay saacado tahay ayuu Ra’isalwasaarihii qolkii lagu shirayey soo galay, waxaa dabayaacaya tiro dad ah oo u badan hawlwadeenadiisa qaarkood wax shaqo ah xafiiska dawlada uguma qorna balse dawlad-dugaalsi ayay ku nool yihiin kuna shaqeeyaan, cidna mushaar gaar ah ma siiso.
Ra’isalwasaaruhu wuxuu fariistey kursigii shirgudoonka waxaa iyagunna qolka soo galaya xubno wasiiro ah, waxaase uggu daran qaar ka mid ah xubnaha wasiirada waxay marka qolka soo galayaan ku fooraraan telefoonadooda caqiilka ah (Smart Phones), kuwa Ipad iyo Tablet kale ayay dhinacyada ku sitaan markii ay sii fariisanayaan inta lakala baxeen ayay miiska safteen.
Ra’isalwasaaruhu wuxuu sugayaa inuu shirku bilowdo marka ay soo dhameystirmaan golaha wasiirada inta magaalada joogta, balse waxaa hakad loogu jiraa xayn ka mid ah wasiirada oo luuqyada dhismaha xafiiska telefoono ku hadlaya, wiilasha xafiiska ka shaqeeya ayaa marba dhan u caraya waxay ku hayaan
“Aaaway wasiir hebel, xagee ku jiraa hadda halkan ayuu taagnaa”, mid kale oo gees u sii cararaya ayaa wuxuu la hadlaya wasiir telefoonka ku hadlaya oo darbi ku tiirsan wuxuuna ku leeyahay “Wasiir shirkii waa la fadhiyaa wuuna bilaaban rabaa adiga uunbaa dhiman ee soo dhaqso”!!
Saacada darbiga suran ayuu Ra’isalwasaaruhu kor hadba u eegayaa, marna wuxuu hoos u fiirinayaa waraaqaha ajandaha shirka ee loo soo diyaariyey ee miiska u dul saaran, cabaar marka uu joogaba caagad biyo Miyisaxo ah ku jiraan ayuu haroobka ka qaadayaa oo uu qab siinaya, geesaha inta fiiriya ayuu leeyahay “Aaway hebel iyo hebel maxay dhacay sow ma oga in shirkii xiligiisii 20 daqiiqo la dhaafay” isagoon hadalkii dhamayn ayaa qof ka mid ah shaqaalaha xafiiska uu meel halkaasi ka soo hadlaya wuxuu leeyahay “Ra’isalwasaare way soo galayaan telefoonno ayey ku hadlayaan waan ku laabanaynnaa mar kale”.
Ra’isalwasaaruhu wuxuu hadda u muuqda inuu shirka furayo oo aan ragga maqan la sugeyn, salaan ayuu u gudbinayaa madasha inta fadhida, isagoo wali salaantii wada ayaa mid ka mid ah wasiiradii telefoonka ku hadlayey xafiiska dalaq soo yiri oo kursigii ugu dhawaa ee banaanaa fariistey, wax cudur daar ah kama bixin intii la sugayey ee shirku u xayirnaa, taasi wayba roonaan lahayd’e wuxuu wali gacanta ku haystaa telefoonkii wuxuu fiirinayaa Profile-ka Facebook-giisa.
Shirkii ayaa furmay Ra’isalwasaaruhu wuxuu siinayaa xubnaha madasha jooga arrimihii ugu dambeeyey ee xafiiska ku soo kordhay, iyo xaalada guud ee dalka, wuxuu hadda ku casuumayaa inuu warbixin golaha siiyo mid ka mid ah wasiirada oo laga doonayo waxqabadkii wasaaradiisa in laga dhagaysto.
Wasiirkii hadalka la siiyey wuxuu hoos u eegayaa IPad dhabta u saaran wuxuu ku jiraa Twitter-ka wuxuu Tweet-garayaan (wax ku qorayaa) bartiisa isagoo ka sheekaynaya wasaaradiisa, laakiin halkaasi ma ahayn meesha looga baahnaa inuu waxqabadkiisa kaga sheekee ee waa fadhiga uu ka mashquulsan yahay.
Cabaar hadii wasiirka la sugayey ee loo haysto in uu xog ugu kaydsan Ipad-ka uu la soo baxayo, waxaa loo jeedaa isagoo dhoolo cadeynaya illeyn wasiirku lamaba haysto shirka wuxuu markii uu Twiiter-kii ka baxay uu Like ku hayaa sawiro Facebook la soo galiyey.
Ra’isalwasaaruhu wuxuu isleeyahay malaha wasiirka inuu xooggaa caajiska idinka bi’iyo ayuu doonayaa ee bal hadda waqti sii, wuxuu u jeestey geesta kale ee madasha wuxuu isha la helayaa laba wasiir oo isla sheekaysanaysa inta afka isku soo dhaweeyeen, wuxuu si hoose u maqlayaa mid leh “Walaahi way shidan tahay, sawirka ma profile-keeda mise waa wuxuu ugu jiraa Photos-ka caadiga ah”, su’aashii isagoon dhamayn ayuu wasiirkii sheekada loo waday uu leeyahay “Ma taqaan waxay I leedahay?, kulahaa tigid diyaaradeed ii soo dir xoghayn ayaan doonayaa inaan kuu noqdo”. Qosol ayay la dhaceen hal-mar, haddii la wada qosolo ma aamusnaan baa taal, Ra’isalwasaarihii geestiisa ayuu ka dhoolo cadeynayaa wax xanaaq ah oo ka muuqdaa ma jiro.
Iyadoo xaaladu halkaas taagan tahay, ayaa telefoon wuxuu u soo dhacay wasiir madasha ku sugnaa isagoon wax cudurdaar iyo fasax ah sameyn ayuu hallow bilaabay, wuxuu la hadlayaa qof ay isku asxaab ahaan jiray oo qurbaha ku sugan, luuqadii dalkii ay deganaan jireen ayuu kula hadlayaa, waxaase laga dareemayaa inuu leeyahay “Asxaabta u sheeg caawa Skpe aan isku aragno wax badan ayaan rabaa inaan idiin sheego, mideeda kale maalmahan waan ka maqanahay Whatsup-ka iyo Viper-ka maxaad dadka oo dhan u wada siiseen waan ka seexan waayey, oo waxaan ka qabsan waayey hawlihii xafiiska?”.
Yaabku intaasi kuma koobna qof ka mid ah xubnaha shirka ku sugan wuxuu xoogaa iska doondoonayey inuu nidaamka ilaaliyo telefoonkiisii ayuu wuxuu uga soo tagey qaybta qaabilaada (Reception) laakiin qofkii telefoonka hayey wuxuu goobtii shirka soo galay isagoo wasiirka warbixin siiinaya wuxuu leeyahay “Wasiir sawirkii aad xaley Facebook-ga galisay 200 oo like iyo 500 comment ayuu marayaa ee fadlan dadkan u jawaab ama comment-ga ay bixiyeen like ku wada qabo waayo way iska soo daba-dhacayaan”.
Wasiirku halhaleel ayuu telefoonka qofkii uga qaaday, adigaaba sheegaya wax cudurdaar ah isagoon dhinacnna eegin ayuu bilaabay inuu dhalada Mobile-ka marba dhan farta ugu ciyaarsiiyo wuxuu horay ka galay Facebook-ga.
Kulanka waxaa fadhiya 47 xubnood oo isagu jira wasiiro, wasiiro dawlayaal iyo waasiir kuxigeenno 8 ka mid ah oo telefoonadoodu aanay ahayn Smartphone oo ah nooca Qabo ama Wac ma ahane inta kale waxaa lagu wada fooraraa Telefoonadii iyo qalabkii kale ee Internet-ka ku shaqeeya, iyadoo sidaasi la yahay ayaa la gaaray waqtigii qadadda iyo salaada shirkiina sidaasi ayuu ku xirmay.
Sheekadan guud ahaanteen dhab ma ahan xoogaa naaxis iyo bisbaas ah ayaa ku jira caadi ha la iska dhigo anigunna ma tagin shirka golaha ee xoogaa qosolka halla tiigsado.
Fiiro gaar ah: Sawirkan goor sii horeysay ayaannka qabtay Facebook waxaa ka muuqday xubno ka mid ah golaha wasiirada oo mobile ku foorara xili shir ay fadhiyeen waana sawirka igu qasbay inaan qormadan qoro, balse anigoo ilaalinaya xuquuqdooda shakhsi waxaan edit ku sameeyey ama jaray qaybta wajiyadooda.
Laakiin arimahan maalin kasta way ka dhacaan golayaal wasiiro oo dalalka caalamka ayaa la arkay wasiiro mobile kuwada dhegan xili shir ay ku jireen, iswaydiintuse waxay tahay Soomaaliya madasha shirarka telefoonada ma laga mamnuuci doona inta ay socdaan kulamada danta dalka iyo dadka looga hadlayo?, jawaabta idinkaan idiin daayey.
Waad Mahadsantihiin:
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement