Siyaasadi waa maamul, Diina waa caqiido, Siyaasadi waa samaynta wixii suurogal ah
, Diina waa samaynta wixii Eebbe raalli gelinaya, Siyaasiga dhulka lagala hadla, Wadaadkana samada looga dhawaaqa, Siyaasigu wuxuu cashaqaa kursiga, wuxuuna isku dayaa qancinta cod bixiyeyaasha ama dadka dooran, Wadaadkuse jannadu jantaa, wuxuuna isku hawlaa raalli-gelinta rabbiga, Siyaasaddu waxay isla dhalan rogtaa hadba duruufaha taagan, waxayna ka turjuntaa baahida kolka muuqata. Mana jirto siyaasad ku habboon waqti kasta iyo meel walba
Sidaa darteedna, kolka diinta la siyaasadaynayo diinta waa loo gafayaa, sidoo kalena kolka siyaasadda la islaaminayo siyaasadda waa la macno tirayaa...
Dowladd & Islaam
Islaamku muslimiinta kalama hadlin dowlad, balse iyaga ayuu doorasho u siiyey in ay doortan sida ay u maamulanayaan arrimahooda adduunyada iyo cidda ay u dooranyaan hoggaamiye
Dowlad & Carabta
Qamuuska afka carabiga wuxuu ereyga dowladd ku biiray qarnigii shanaad ee *hijriga ''Tirsiga taariikhda islaamka''
Islaamku waa diin iyo dowlad
Quraan ama nebi midkoodna ma sheegin dowlad, balse waxaa alifay Abu Alcalaa Almawduudi iyo Hassan Albanaa dhanka islaamka inta la ogyahay
Nebigu Naxariis ha la jirtee Wax kasta ayuu Asxaabtiisa baray ilaa sida suuliga loo galo ayuu yidhi Salman Alfaarisi, taas oo jirta haddana ma jiro xadiis ama aayad ka hadlin xukunka iyo dowladdnimada .... tan ah ''Washaawirhum fil-amri ama Wa amruhum shuuraa beynahum'' kuma soo degin munaasibad la xiriirta xukun ama dowlad.
Muslimiinta iyaga doortay Abukar, Cumar, Cismaan iyo Cali lakiin wixii ka danbeeyey rag xukunka maroorsaday ayaa isbedelayay
Ugu dambeyn Madax alle matalaysa sidaa kuwa sucuudiga xukuma oo kale cid la xisaabtami karta ma jirto, lakiin Diinta iyo dowladda oo la kala sooca waxay shacabka fursad u siinaysaa inay madaxdooda la xisaabtaman ama Iyagu gacmahooda ku doortaan shaqsiga ku habboon, teeda kale madaxda la dooran ma aha in shacabka ka badbaadiyan cadab aakhiro ama u diyaariyan janno aakhiro ee waxaa loo igmaday in ay u diyaariyan janno ifka ah kana badbaadiyan cadaab aduunyo gaajo, cudur, jahli, qabyaalad iwm.
Yusufcali@outlook.com
0 Comments