Way dhici kartaa su’aalo nafsiyan ah in qofku iska waydiiyo sidee ku abuuri karaa jacayl uu kuu qaado qofka aad nolasha la wadaagto ama la wadaagayso
, waayo jiritaanka jacayl ayaa ah waxa uggu weyn ee udub-dhexaad u noqon kara taabagalka nolol maqaam wanaagsan oo ifiya leh, waana halka murtidu ka leedahay “Hadii aan jacayl jirin aduunyadu ma joogteen”.
Qofka dumarka ama ninka labadaba xujooyin isa saaran, su’aalo jawaabahoodu kala duwan yihiin, xeelado ama tab kala seeto duwan oo aan dabar iyo hogaan loo heli karin xiliyada qaar ayaa maskaxdooda ku dhasha kuna saleysan jawaabta Sidee jacayl ku beeraa?.
Beerista ama abuurista jacaylku ma ahan wax dukaan laga soo gato, ma ahan beer la waraabiyo inta la fasho, mana ahan roob cirka ka soo da’a ee waa wax qalbiga ka yimaada kana dhasha shakhsiyada qofka nolasha aad la wadaagtay ama la wadaagayso.
Mowduucan oo ka mid ah qormooyinka Tusmada Nolasha waxaan ku eegaynaa maanta su’aasha sidee jacayl ku beeraa?, way badan yihiin wadooyinka aad ku kasban karto qalbiga ruuxa nolasha aad la wadaagtay, waxaase guri qurxoon oo awlaad farxad leh ka soo baxdaa uu ku xiran yahay jacaylka labada qof ee nolasha wadaagaysa, shakina kuma jiro haddii aan la helin jacaylkaasi inaanay imaanayn awlaad jacayl ku dhalata kuna korta.
Si gaar ah waxaynnu u eegaynaa sadex qodob oo ninku ku abuuri karo jacaylka lamaantiisa, wallow ay badan yihiin oo aan qoraal lagu soo koobi karin, haddana aan soo koobno sadex qodob oo culimada cilmi nafsigu u aqoonsadeen horseedka qalbiyo isku ooya.
Ninnow xaaskaaga laga yaabee inay ka timid meeraha Venus adiguna aad ka timid kan Mars yanci inaydan isku si wax u arkin u qiimee una tixgali aragtideeda way dhacdaa inay leedahay dareen aragtiyadeed oo biyo dhacoodu ku qulqulayo kuwaagu meel aysan ku aroorin, dareenkeeda baahiyeed, iyo hab dhaqankeedu wuxuu kaaga baahan yahay barasho, raadraac, iyo fahmid.
1: Shumiska foolka wajiga:
Culimada ku takhasustay cilmi nafsiga waxay tibaaxeen in waxyaabaha ugu wanaagsan ee qalbiga haweenka u qaboojiya ay ka mid tahay shumiska wajiga (foolka), iyadoo labada dhaban ninku gacmihiisa ku qabanayo ka dibna isagoo dhoolo cadeynaya uu ka shumiyo wajiga, waxaa lagu tirayaa in haweenku aanay kor soo dayi karin xiligaasi, dhulka ayay eegaan, taasina waa dareen ka helid ah oo ay macaansanayso una muusoonayso naxariistaas qalbiga degaysa, Waxaa kaloo shumiskaasi uu xambaarsan yahay xushmad iyo qadarin.
2-Ka yaabin & kadis:
Nooc kasta oo ay noqon karto hadiyadu xabad shukalaato ahba ha noqotee waxay Aadanaha u leedahay qiimo gaar ah , xikmad laga soo gaaray Suuriyiintii hore ayaa leh “Xitaa haddii ay haweenaydu saaran tahay sariirtii dhimashada way jeceshahay hadiyad”.
Waligaa ka sahashan hadiyad xitaa haddii aad maqan tahay hal text massage oo ay ku qoran tahay waan ku jecelahay inaad u dirto, waa hadiyad qiimo uggu fadhida lamaanaha, isla markaana jacayl dheeraad ah ku abuuri karta.
Marka aad shaqada aadayso inaad sariirta madaxeeda ama meel ay arki karto aad uga tagto cad yar oo waraaq ay ku qoran tahay “Waan ku jecelahay macaanto” macnaha ay u saamyn karto lamaanaha wuxuu ka dhigan yahay iyadoo loo caleemo saaray Amiirad ama Boqorad, laakiin waxay adiga kuu noqotey oo aad u caleemo saaratay maalintii aad ka dooratay habalaha oo dhan.
Waxaa jirta sheegaysa in ragga qaar ay gaareen heer ay dairy (xusuus qor) ku qoraan qodobada ay dhibsanayso ama jeceshahay lamaanahooda, waxay keeni kartaa in wax yar oo ay ka hesho haddii aad ku qorto xusuus qoraha aad mar kale dib hadiyadaas u siiso, waase haddii aadan lahayn xusuus baaxadeedu le’egtahay maroodiga.
3:Fahmida dabeecadaheeda:
Qaacido kale ayaa leh haddii aadan fahmin dabciga waxa ay jeceshay iyo waxa ay neceb tahay si hoose uga xanso saaxiibadeeda iyo waalidkeed waayo waxay kaa saacidi kartaa baadi goobka helista furaha isfahamka, tusaale ahaan marka aad jeceshahay inaad siiso hadiyad aan la ilaawi karin sidee ku ogaan kartaa?, haddii aadan helin qish.
Bal khiyaas caro intee la’eg ayaad ku abuuri kartaa lamaanahaga haddii aad ilowdo xiligii aad isguursateen, Turkidu waxay tiraahdaa “Ma jirto carro uga weyn ruuxa dumarka ah haddii lamaanaheedu uu ilaawo sanadguurada waqtigii ay isguursadeen”.
Marka haddaba ninnow inta aad horey u haysatey kula dhaqmaysay lamaanahaaga oo intan lagu daray waxay siyaadin karaan baraaraha nolasha qoyska ama guriga, xikmad Soomaaliyeed ayaa leh “ qoys hagaagsan ayaa horseeda Qaran hagaagsan”
Waad Mahadsantihiin:
Mowliid H Abdi
0 Comments