Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Fanaanka Codka Macaaan ee Aar Maanta oo soo Qaaday Hees Ujeedo weyn leh

Aar Maanta-fanaanka da'da yar ee caanka ah ayaa waxa uu in dhawaala ah ba
, bilaabay ol'ole balaadhan oo uu guntiga dhiisha isaga dhigayo isaga oo raba dhammaan Soomaali meel wal ba oo ay joogtaba in uu xikmad iyo murti ku gaadhsiiyo .
Fanaanku isaga oo u maraya taas wasiilooyin ka la jaad-jaad ah ama ka la ged-gedisan oo ay ugu horayso iclaamka saxaafada Soomaaliyeed iyo midda ajaanibka, sida raadiya'yaasha, TV-yada la is ka arko iyo baraha bulshada oo ay ka mid yihiin ,baraha filimada la soo galiyo ee Youtube-ka, baraha facebook-ga iyo baraha twitter-ka inta ba, ayuu soo jiitay indhaha bulshada iyo tan saxaafada ba.


Hada ba, Aar Maanta ayaa codkiisa macaan iyo xirfadiisa gaarka ah marar badan la kaashada sida idiinka muuqata hoos, isaga oo faafiyo heeso abwaano soo jireen ahaa oo uu ka mid yahay Abwaan Xudaydi ay u soo dhiibaan , si farriimo nabadeed oo runtii nabada aadka loogu oonka ama haraadka qabo u dhiirigaliyaan.
In kasta oo Fanaan Xasan Maxamed C/raxmaan heesihiisu ku koobnayn ka la hadalka Soomaalida danaha guud, haseyeeshe; sida marar badan oo hore dhacday , waxa jira heeso xanbaarsan dhacdooyinka ka xog waramaya danqashada dareenka jacaylka lamaanaha isu cuno iyo hurda'daayay iyo waayo aragnimada dunidan laga dhaxlo.
Waxa uu Aar Maanta marar badan soo qaaday heeso in badan ay isweydiiyeen Soomaalidu ujeeda'da dhabta ah ee ay ka hadlayaan iyo farriinta gaar ahaaneed ee ay gudbinayaan, kuwaas oo uu u furay xujada iyo dulucda ka danbaysa, si aysan ugu jahwareerin oo ayna habeeno badan ugu hurdo seegin iyaga oo u qaadanaya meel aan looba jeedin.
Si kasta ba ha ahaatee, waxa la odhan karaa waxa ka mid ah Heesaha lagu xujoobay is la heestii uu soo qaaday dhawaan ee la magac baxday "Go'doomay" oo markii uu barahiisa facebook-ga ku qoray in aynan ahayn hees jacayl sida la moodayo ee ay macno kale oo sal balaadhan xanbaarsan ku fadhido, is la markii ba ay saxaafada Soomaalidu u ka la badisay.
Fanaanka & kooxdiisa ayaa u hawlgalaya in ay dhaxalsiiyaan fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed in ay martabad aad u weyn oo saraysa ku yeeshaan caalamka intiisa kale.
Waxa cadeyn kuugu filan Waraysiyadii uu dhawaan bixiyay ka dib markii uu la yeeshay waraysi TV-ga caalamiga ee "Afrika iyo maanta", Af-ka qalaadna loo yaqaan *Africa Today. TV-gaas oo laga leeyahay Dalka Ingiriiska ayuu isaga laftigiisu ku sheegay damaciisa ah in uu rabo Caalamiyaynta hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.
Waxa uu sidoo kale, Bandhig faneed lagu sagootinayay ciidii carafo ee ugu danbaysay uu ku dhigay "Kuala Lumpur International Hotel" oo ku yaala Arliga Dalka Malaysia oo uu safar gaaban ku joogay, ka dib markii dhalin Soomaaliyeed ay sidaas ka codsadeen.
Is ku soo wada'duuboo, Waxa uu Xasan soo qaaday heestan qof wal ba oo Soomaaliyeed la is odhan karo, waxa ay fahankeedu ugu fududahay sida findhicilka , heestan oo aan wax muusiko ah habayaraatee la socon ayuu ku luuqeeyay, ka dib markii uu abwaan Xudayfi u soo alifay.
Ugu danbayn wax ba yaanan hadal lagugu daaline, waxaa is ka cad in uu Fanaanku u xamaan qaatay sidii uu murtida ay weheliso codkiisa macaan ugu diro dhammaan Soomaalida Geeska Afrika dagan in uu baaqnabadeed oo si li'laahiya, walaaltinimo iyo islaanimo, iyo is fahan ku dheehan tahay ugu wada noolaadaan dhulkooda hooyo.
Fanaanka ayaa la filayaa in uu safaro uu ku dhigayo xaflado iyo bandhig faneedyo uu ugu gaadaa bixiyo wadamo ka baxsan Dalka Ingiriiska oo hoy u ahaa sanadadii ugu danbaysay. 
Halkan hoose ka akhriso midhaha uu ku luuqeynayo Fanaanka codka macaan :
Dadkayga maxaa u diida

Anoon taydaba daryeelayn, dantiisu nimay cidlaysay
Maxaan dawadiisa raadshay
Dadkayga maxaa u diiday

Dardaar werin tii abwaanka, baroortii laga digaayay
maxay dugaydeedu yeedhay


Dabaylaha caafimaadka, daryeel iyo daganaansho
Dagaalka sokeeyahayga, inuu dabayaaqo yeesho

W/Q 
Ahmed Abdi 


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement